Baydhabo : Ciidamada Amaanka oo gacanta ku dhigay dad amni darro abuuriyey

Date:

Muqdisho (SONNA):-  Howlgal  dad badan lagu soo qabtay ayaa Ciidamada Amaanka Dowladda Soomaaliya waxa ay ka sameeyeen Magaaladda Baydhabo ee Xarunta Dowlad goboleedka Koofur galbeed, waxaana howlgalkan dadkii lagu soo qabtay ay isugu jiraan kuwa amni darro in ay abuuriyeen looga shakisanyahay iyo kuwa kale oo falal la xiriiri  ka ganacsiga maandooriyaha lagu soo qabtay.

Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Amniga ee Maamulka Koofur galbeed C/risaaq Cabdi Aadan, ayaa wareysi uu siiyey Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ku sheegay in ay qabteen dad badan oo hadda ay ku socoto kala saarid, si loo xaqiijiyo kan dambiilaha ah, xorriyadna la siiyo dadka lagu qaldamay ee howlgalka lagu soo qabtay, isagoo beeniyey in ay jiraan dad loo soo qabtay waxyaabo ka baxsan Amaanka.

“ Ciidamada Daraawiishta Maamulka Koofur galbeed maanta waxa ay sameeyeen Howlgal balaaran, oo looga gol leeyahay in lagu adkeeyo amaanka, geesiyaasha howlgalkan waxa ay kusoo qabteen dad tiro ahaan badan, waxaan sameynay kala saarid ku aadan dadkii lasoo qabtay si aysan nooga baxsan dadkii aan baadi goobeynay ee Amniga caqabada ku ah, qofkii lagu helaa dambi cad Xabsiga dhexe ee Magaalada Baydhabo ayaan u gudbineynaa” ayuu yiri Wasiirka Amniga Koofur galbeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...