Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada, loogana hadlay Doorashooyinka 2020, amniga iyo arrimo kale.

Date:

Muqdisho (SONNA):-  Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre, qeybiisa hore, halka uu qeybtiisa danbe uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga Qaranka, Hindise sharciyeedyo, doorashooyinka 2020 iyo arrimo kale.

Hay’adaha amniga ayaa ugu horreyntii laga dhageystay warbixinta amniga, iyagoo sheegay in kooxaha nabad-diidka ah oo diidan horumarka amniga dalka inay gobollada qaar qaraxyo ka geysteen oo shacab ay ku laayeen, iyadoo hay’adaha amniga ay sii labojibaarayaan soo celinta amniga iyo xasiloonida. Wasaarada Gaashaandhiga ayaa sheegtay inay socoto qiimeyn lagu sameynayo diyaar garowga ciidanka XDS ee ku aadan sidii ay amniga dalka ula wareegi lahaayeen mustaqbalka dhow.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo soo bandhigay qorshaha guud ee doorashooyinka, si qoto-dheerna uga warbixiyey horumarka ay ku tallaabsadeen ee ku aadan diyaargarowgooda, sheegeyna inay ka go’antahay sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyin hal cod iyo hal qof ah. Guddiga ayaa sheegay inay daraasad ku sameeyeen dalal badan oo duruufaha heysta ay la mid yihiin Soomaaliya haddana ay doorashooyin ka qabsoomeen. Guddiga ayaa sheegay inay jiraan caqabado fara badan, kana codsaday in Golaha Wasiirada ay xal u helaan caqabadahaas oo ay ka mid yihiin tan dhaqaalaha, amniga iyo siyaasada oo muhiim u ah qabsoomida doorashooyinka. Golaha Wasiirada ayaa Guddiga ku ammaanay dadaalkooda una ballanqaaday inay u fududeyn doonaan howlahooda si dalka looga hirgeliyo doorashooyin hal-qof iyo hal-cod ah 2020ka.

Golaha Wasiirada ayaa dood dheer iyo falanqeyn ka dib si aqlabiyad leh ku ansaxiyey Hindise Sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida, oo muhiim u ah dib-u-habeynta ciidamada Qaranka iyo sidii dadka howlgabka ah, agoonta iyo curyaamiinta ay u heli lahaayeen xaquuqdooda aasaasiga ah. Sharcigan ayaa ahaa mid dib u eegis ku sameeyey Sharci Lr 6 ee 31kii December 1969kii, si loola saanqaado xaalada dalka ku suganyahay.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa ka dooday hindise sharciyeedyo kale si looga soo baaraandago oo kulamada danbe loo ansixiyo. Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa dib u eegis ku sameeyey Xeer Hoosaadka Golaha Wasiirada, kuna ballamay inay ka soo baaraandegaan si loo ansixiyo kulamada danbe.

—-DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...