Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta ka dooday Go’aankii Xukuumadda Soomaaliya.

Date:

Kulankaan oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaraai, ayaa ajandahiisu   waxa uu ahaa Qeybinta Hindise Sharciyeedyada ilaa hada lasoo gaarsiiyay Golaha Shacabka iyo sidoo kale ka doodista Qaraarkii Golaha Wasiirada ee 6-dii September sanadkan 2017-ka.

Kalfadhigaan oo ay kasoo qeyb galeen 178 Mudane ayaa guddoomiyaha Golaha shacabka ugu horeyn waxa uu xildhibaanada  u sheegay in ilaa hadda golaha la soo gaarsiiyay 11 Hindise sharciyeed oo ay soo gudbisay xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya wixii hada ka dambeeya oo kalfadhigan ka harsanna aanu Golahu loo soo gudbin Karin wax hindise sharciyeed ah sida uu qabo xeer hoosaadka Golaha Shacabka  qodobkiisa 42-aad.

Intaasi ka dib  Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa u guda galay ka doodista Qaraarka Golaha Wasiirada 6-dii September oo ay mudanayaashu aragtiyo kala duwan ay ka qabeen.

Dooda Xildhibaanadda kadib ayaa Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed waxa uu sheegay in guddi gaar ah loo saari doonno Go’aankii Xukuumadda dhowaan ay ka qaadatay arrinta C/kariin Muuse Qalbidhagax oo ah Sargaal Jabhadda ONLF ka tirsan.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka soo xiray ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay In ay is dejiyaan oo ay ku kalsoonaadaan Golahooda, islamarkaana ay ka feejignaadaan wararka aan xaqiiqda ku saleysaneyn oo ay faafinayaan dad aan raali ka aheyn dowladnimada Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...