Soomaliya oo ka qeybgashay shirka Amniga Bariga Afrika ee Yugandha

Date:

Muqdisho(SONNA) Magaalada Kampala ee xarunta Dalka Yugandha ayaa waxaa ka soconaya shir ku saabsan Amaanka wadamada kuyaala Bariga Afrika oo Soomaaliya ay ku jirto,kaasi oo ay ka qeybgalayaan Madaxda arrimaha Ammniga ee Bariga Afrika .

Wadamada ka qeybgalaya shirkan oo gaaraya ilaa 14 wadan waxaa ku jira Soomaaliya oo kamid ah wadamada sida gaarka ah diiradda loogu saari doono shirkaasi gaar ahaan tayaynta Ciidamada Soomaaliya.

Ajandayaasha ugu badan ee shirkaasi horyaala ayaa ah amniga oo dhinacyo kaladuwan looga hadlayo sida iskaashiga sugidda amniga iyo ka hortagga khataraha ay bulshada kala kulmaan kooxaha Argagixisada ee Alshabaab.

Korneel Muuse C/qaadir  Xasan oo katirsan hogaanka xiriirka dibedda ee booliska dowladda Soomaaliya, kana mid ah saraakiisha ka qeyb galeysa shirkan ayaa sheegey in muhiimad gaar ah uu u leeyahay Soomaaliya.

“Shirkan waxaa ka qeybgalaya 14 dalka oo Bariga Afrika kuyaala,ka Soomaali ahaan, aad ayuu muhiimad uu inoogu leeyhaay waxaana loooga hadlaya arrimo ay kamid yihiin sidii loo tayeyn lahaa ciidamada Qaranka Soomaaliya, loona qalabayn lahaa si ay Ammaankooda u la wareegaan,waxaana geba gebada imaan doona Wasiirada amniga ama arrimaha gudaha ee wadamadan shirka ka qeybgalaya”, Ayuu yiri Korneel Muuse.

Wadamada Yugandha iyo Kenya oo shirkaasi ka qeybgalaya ayaa kamid ah wadamada ciidamada ka jooga Soomaaliya,kuwaasi oo Soomaaliya ka taageeraya dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

Xigasho: BBC

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...