Golaha Shacabka oo maanta ka dooday Go’aankii Xukuumadda Soomaaliya.

Date:

Muqdisho (Sonna) :- Kulankaan oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaraai, ayaa ajandahiisu   waxa uu ahaa Qeybinta Hindise Sharciyeedyada ilaa hada lasoo gaarsiiyay Golaha Shacabka iyo sidoo kale ka doodista Qaraarkii Golaha Wasiirada ee 6-dii September sanadkan 2017-ka.

Kalfadhigaan oo ay kasoo qeyb galeen 178 Mudane ayaa guddoomiyaha Golaha shacabka ugu horeyn waxa uu xildhibaanada  u sheegay in ilaa hadda golaha la soo gaarsiiyay 11 Hindise sharciyeed oo ay soo gudbisay xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya wixii hada ka dambeeya oo kalfadhigan ka harsanna aanu Golahu loo soo gudbin Karin wax hindise sharciyeed ah sida uu qabo xeer hoosaadka Golaha Shacabka  qodobkiisa 42-aad.

Intaasi ka dib  Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa u guda galay ka doodista Qaraarka Golaha Wasiirada 6-dii September oo ay mudanayaashu aragtiyo kala duwan ay ka qabeen.

Dooda Xildhibaanadda kadib ayaa Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed waxa uu sheegay in guddi gaar ah loo saari doonno Go’aankii Xukuumadda dhowaan ay ka qaadatay arrinta C/kariin Muuse Qalbidhagax oo ah Sargaal Jabhadda ONLF ka tirsan.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka soo xiray ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay In ay is dejiyaan oo ay ku kalsoonaadaan Golahooda, islamarkaana ay ka feejignaadaan wararka aan xaqiiqda ku saleysaneyn oo ay faafinayaan dad aan raali ka aheyn dowladnimada Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...