Mareykanka oo faah faahiyay duqeyn lagu dilay horjooge ka tirsan Shabaab

Date:

War saxaafadeed uu soo saaray taliska Ciidamda Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) gelinkii dambe ee Jimcihii ayaa lagu sheegey in iyadoo iskaashi lala yeelanayo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay Ciidamada Mareykanka qaadeen weerar xagga Cirka ah oo qorsheysanaa, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab Khamiistii abbaaro 2:45 Duhurnimo xilliga Soomaaliya.

Waxana weerarkaasi ku dhintay mid kamid ah kooxaha argagixisada, sida lagu sheegey war saxafaadeedka,Howl-galka ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Baraawe oo 270 KM u jirta caasimadda Muqdisho.

Mareykanka ayaa holwgalkani fuliyay iyadoo la raacayo awaamiirtii madaxweynaha Mareykanka uu bishii March sanadkan soo saaray, kuwaas oo u ogolaanaya ciidamada inay ku beegsan karaan al-Shabaab iyadoo taageero laga helayao ciidamada Soomaaliyeed deegaannada ay ku xooggan yihiin kooxdaasi.

War-saxaafadeedka oo aan lagu sheegin magaca xubinta ay ciidamada Mareykanka beegsadeen, ayaa waxa sidoo kale lagu xaqiijiyay in ciidamada Maraykanka ay sii wadi doonaan inay adeegsadaan wax kaste oo macquul ah si  looga taqalluso halista kooxdaas.

Xigasho: VOA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...