Mareykanka oo faah faahiyay duqeyn lagu dilay horjooge ka tirsan Shabaab

Date:

War saxaafadeed uu soo saaray taliska Ciidamda Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) gelinkii dambe ee Jimcihii ayaa lagu sheegey in iyadoo iskaashi lala yeelanayo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay Ciidamada Mareykanka qaadeen weerar xagga Cirka ah oo qorsheysanaa, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab Khamiistii abbaaro 2:45 Duhurnimo xilliga Soomaaliya.

Waxana weerarkaasi ku dhintay mid kamid ah kooxaha argagixisada, sida lagu sheegey war saxafaadeedka,Howl-galka ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Baraawe oo 270 KM u jirta caasimadda Muqdisho.

Mareykanka ayaa holwgalkani fuliyay iyadoo la raacayo awaamiirtii madaxweynaha Mareykanka uu bishii March sanadkan soo saaray, kuwaas oo u ogolaanaya ciidamada inay ku beegsan karaan al-Shabaab iyadoo taageero laga helayao ciidamada Soomaaliyeed deegaannada ay ku xooggan yihiin kooxdaasi.

War-saxaafadeedka oo aan lagu sheegin magaca xubinta ay ciidamada Mareykanka beegsadeen, ayaa waxa sidoo kale lagu xaqiijiyay in ciidamada Maraykanka ay sii wadi doonaan inay adeegsadaan wax kaste oo macquul ah si  looga taqalluso halista kooxdaas.

Xigasho: VOA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...