Madaxweyne Trump iyo Golihiisa Wasiirada oo kulan deg deg ah kayeelanaya musiibada ka dhalatay duufaanta

Date:

Hay’ada qaabilsan dhanka saadaasha hawada ee Mareykanka ayaa sheegtay in Duufaanta Irma laga cabsi qabo in ay  khasaaro baaxad leh ka geysan doonta gobolka Florida iyo gobolada deriska la ah ee Mareykanka.

Madaxa hay’adda Qaran ee xaaladaha degdega ah Brock Long ayaa sheegay in Florida ay koronta la’aan noqon doonto maalmo dhan, xilli in ka badan shan milyan oo qof lagu amray inay ka baxaan guryahoodakadib markii duufaantu ay halkaasi u jahaysatay.

Guddoomiyaha maamulka Gobolka Floridda Rick Scott, ayaa ka digay in waqti badan aanay haysan dadka gobolkaasi, loona baahan yahay inay degdeg uga jawaabaan baaqa loo dirayo.

Dhanka kale waxaa soconaya kulan deg deg ah oo u dhexeeya Madaxweyne Trump iyo Golihiisa Wasiirada,kaasi oo looga hadlayo sidii loo muujin lahaa dareenka ay ka qabaan musiiban ka dhalatay duufaatan Irma looyaqaano, khudbadii  todobaadlaha ahayd ee  uu jeediyay shacabkiisa, ayuu madaxweyne Trump ugu baaqay in si dhab ah ay u qaataan didniinahaasi.

Duufaanta Irma ayaa burbur baahsan ku reebtay jasiiradaha Caribbean-ka, ayadoo saamaysay qiyaastii 1.2 milyan oo qof,Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen 20 qof.

Goobaha dadka laga daadguraynayo waxaa ka mid ah deegaanka Mar-a-Lago ee uu madaxweyne Trump ku leeyahay gobolka Florida,Ka dib marka ay ku dhufato xeebaha Florida, ayaa duufaanta waxaa la filayaa inay gaarto gobollada Georgia iyo Koonfurta Carolina.

Kumanaan qof ayaa guryohoodi ka cararay gobolada ay duufaantasi ku dhufatay,kuwaasi oo haatan wajahayaan xaalado adag oo dhanka nolosha ah, sida koronto la,aan biyo,iyo guud ahaan adeegyada aas aasiga ah,goobaha qaar ayaa waxaa ka bilowday gargaar dadka la gaarsiinayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...