Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-date-query.php on line 516

Madaxweyne Trump iyo Golihiisa Wasiirada oo kulan deg deg ah kayeelanaya musiibada ka dhalatay duufaanta | Somali National Television - sntv.so

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block.php on line 257

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Madaxweyne Trump iyo Golihiisa Wasiirada oo kulan deg deg ah kayeelanaya musiibada ka dhalatay duufaanta

Date:

Hay’ada qaabilsan dhanka saadaasha hawada ee Mareykanka ayaa sheegtay in Duufaanta Irma laga cabsi qabo in ay  khasaaro baaxad leh ka geysan doonta gobolka Florida iyo gobolada deriska la ah ee Mareykanka.

Madaxa hay’adda Qaran ee xaaladaha degdega ah Brock Long ayaa sheegay in Florida ay koronta la’aan noqon doonto maalmo dhan, xilli in ka badan shan milyan oo qof lagu amray inay ka baxaan guryahoodakadib markii duufaantu ay halkaasi u jahaysatay.

Guddoomiyaha maamulka Gobolka Floridda Rick Scott, ayaa ka digay in waqti badan aanay haysan dadka gobolkaasi, loona baahan yahay inay degdeg uga jawaabaan baaqa loo dirayo.

Dhanka kale waxaa soconaya kulan deg deg ah oo u dhexeeya Madaxweyne Trump iyo Golihiisa Wasiirada,kaasi oo looga hadlayo sidii loo muujin lahaa dareenka ay ka qabaan musiiban ka dhalatay duufaatan Irma looyaqaano, khudbadii  todobaadlaha ahayd ee  uu jeediyay shacabkiisa, ayuu madaxweyne Trump ugu baaqay in si dhab ah ay u qaataan didniinahaasi.

Duufaanta Irma ayaa burbur baahsan ku reebtay jasiiradaha Caribbean-ka, ayadoo saamaysay qiyaastii 1.2 milyan oo qof,Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen 20 qof.

Goobaha dadka laga daadguraynayo waxaa ka mid ah deegaanka Mar-a-Lago ee uu madaxweyne Trump ku leeyahay gobolka Florida,Ka dib marka ay ku dhufato xeebaha Florida, ayaa duufaanta waxaa la filayaa inay gaarto gobollada Georgia iyo Koonfurta Carolina.

Kumanaan qof ayaa guryohoodi ka cararay gobolada ay duufaantasi ku dhufatay,kuwaasi oo haatan wajahayaan xaalado adag oo dhanka nolosha ah, sida koronto la,aan biyo,iyo guud ahaan adeegyada aas aasiga ah,goobaha qaar ayaa waxaa ka bilowday gargaar dadka la gaarsiinayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sarkaal Boolis ah oo ka badbaaday weerar hubeysan oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho, Soomaaliya: – Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed...

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...