Madaxweyne Donal Trump” Maalin murugo leh ayay noqonaysaa hadii Pyongyang aan u adeegsano talaabo Militari”

Date:

Muqdisho(SONNA) Donal Jey Trump Madaxweyne Dalka Mareykanka  ayaa ugu hanjabay markale Kuuriyada Waqooyi talaabo military, isagoo sheegay in maalin murugo badan ay u noqoneyso Kuuriyada Waqooyi, haddii Mareykanku uu go’aan sado in talaabo military ah uu qaado.

Hadalkani ayuu jeediayay Madaxweyne Trump xili  uu garab taaganyahay Amiirka dalka Kuwait, Sheikh Sabah al-Ahmad Al-Sabah oo uu ku qaabilay magaalada Washington, su’aalana uga jawaabayay wariyeyaasha,waxaana uu yiri madaxweyne Donal Trump “waxaaan ku rajo weynahay in aanan awoodeenna Milatari u adeegsan doonin Kuuriyada Waqooyi,taasi oo ula jeedo in hadii uu adeegsado dhibaato badan ka imaan karto.

Madaxweyne Trump ayaa ka gaabsaday laba jeer oo la weydiiyay su’aal aheyd in la aqbali karro in Waqooyiga Kuuriya ay iska heysato hubkeeda Nukliyeerka laakiin la xakameeyo oo la cabsigeliyo,balse Mr Trump ayaa xusay in aan wax wada xaajood ah la gali doonaiin Waqooyiga Kuuriya.

Trump waxa uu ku dooday in 25kii sanadood ee la soo dhaafay, maamuladdii soo maray Mareykanka marka kasta oo ay wada xaajood la galaan kuuriyada waqooyi, ay maalinta xigtaa sii wadi jirtay shaqada bacriminta nukliyeerkeeda.

Dhanka kale Amiirka Dalka Kuwait iyo madaxweynaha Mareykank oo kulan ku yeeshey aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa ka wada hadlay sidii loo dejin lahaa xisadaha dhanka diblomaasiyadda ee u dhexeeya Qadar iyo qaar kamid ah wadamada Khaliijka.

Mr Trump ayaa taageeray dadaalada dhex dhexaadinta ah oo wadamadaasi ay ka dhex waddo Dowladda Kuwait, waxayna muujiyeen muhiimadda ay leedahay in wada hadal lagu dhameeyo qalaafaadyada jira.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...