Mareykanka”Talaabo Militari ayaan ka qaadeynaa Kuuriyada Waqooyi

Date:

Muqdisho(SONNA) Iyadoo uu sii kordhayo walaaca dunida ay ka muujinayso tijaabooyinka dhanka hubka Nucearka ah ee Waqooyiga Kuuriya, ayaa waxaa soconaya dadalo wadamada xulufada ah ay kaga jawaabayaan talaabooyinkaasi.

Dowladda Kuuriyada Koofureed ayaa ka hadashey tijaabo gantaalo oo ay sameysay, iyadoo ka jawaabeysa tijaabadii hubka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi,taasi oo muujinaysa halka ay gaarsisantahay cabsida laga qabo dhaq dhaqaaqyada Militari ee Xukuumadda Pyongyang.

James Mattis  oo ah Xog-hayaha Gaashaandhiga ee Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanka uu qaadi doono talaabo military, si uu ugu Jawaabo Qatarkasto oo timaada kadib hadal kooban oo uu jeediayaya madaxweyne Trump.

Wadamada Shiinaha iyo Ruushka oo kamid ah wadamada codka Vetoga ku leh Golaha ammanka ee QM midoobey ayaa u muuqda in ay qabaan aragti ka duwan midda uu qabo Mareykanaka, inkastoo ay cambaareynayaan tijaabada Waqooyiga Kuuriya.

Madaxweynaha Mareykanka Donal  Trump oo warbaahinta lahadlay ayaa  cambaareeyay Kuuriyada Waqooyi tijaabadeedii ugu dambeysay ee hubka Nukliyeerka, madaxweyne Trump ayaa ku hanjabay in la joojin donno xiriirka ganacsi ee wadanka kasta uu kala dhexeeyo Waqooyiga Kuuriya.

Mar ay weydiyeen warbaahinta in u jiro qorshe ku aadan in weerar lagu qaado Kuuriyadda Waqooyi,ayuu Madaxweyne Trump sheegay in arintaasi laga dhursugayo wixii dhacidoona, taasi oo hanjabaad u muuqanayso, Shiinaha ayaa ah saaxiibka ganacsi ee ugu weyn Wadanka Kuuriyada Waqooyi.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn lagu soo dhaweeyay Laascaanood .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...