Mareykanka”Talaabo Militari ayaan ka qaadeynaa Kuuriyada Waqooyi

Date:

Muqdisho(SONNA) Iyadoo uu sii kordhayo walaaca dunida ay ka muujinayso tijaabooyinka dhanka hubka Nucearka ah ee Waqooyiga Kuuriya, ayaa waxaa soconaya dadalo wadamada xulufada ah ay kaga jawaabayaan talaabooyinkaasi.

Dowladda Kuuriyada Koofureed ayaa ka hadashey tijaabo gantaalo oo ay sameysay, iyadoo ka jawaabeysa tijaabadii hubka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi,taasi oo muujinaysa halka ay gaarsisantahay cabsida laga qabo dhaq dhaqaaqyada Militari ee Xukuumadda Pyongyang.

James Mattis  oo ah Xog-hayaha Gaashaandhiga ee Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanka uu qaadi doono talaabo military, si uu ugu Jawaabo Qatarkasto oo timaada kadib hadal kooban oo uu jeediayaya madaxweyne Trump.

Wadamada Shiinaha iyo Ruushka oo kamid ah wadamada codka Vetoga ku leh Golaha ammanka ee QM midoobey ayaa u muuqda in ay qabaan aragti ka duwan midda uu qabo Mareykanaka, inkastoo ay cambaareynayaan tijaabada Waqooyiga Kuuriya.

Madaxweynaha Mareykanka Donal  Trump oo warbaahinta lahadlay ayaa  cambaareeyay Kuuriyada Waqooyi tijaabadeedii ugu dambeysay ee hubka Nukliyeerka, madaxweyne Trump ayaa ku hanjabay in la joojin donno xiriirka ganacsi ee wadanka kasta uu kala dhexeeyo Waqooyiga Kuuriya.

Mar ay weydiyeen warbaahinta in u jiro qorshe ku aadan in weerar lagu qaado Kuuriyadda Waqooyi,ayuu Madaxweyne Trump sheegay in arintaasi laga dhursugayo wixii dhacidoona, taasi oo hanjabaad u muuqanayso, Shiinaha ayaa ah saaxiibka ganacsi ee ugu weyn Wadanka Kuuriyada Waqooyi.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...