FaahFaahin Ku saabsan Dabkii Xalay ka kacay Suuqa Bacaad.

Date:

Waxaa lagu guuleystay in goor dambe la damiyo dabkii xooganaa ee xalay ka kacay Suuq-Bacaad ee Degmada Yaqshiid ee magaalada Muqdisho kasi oo geystay qasaare hantiyadeed.

Dabkaasi oo marka hore ka bilowday qeybta Sarifka ah ee Suuqaasi ayaa ku sii fiday qeybaha kale wuxuuna baabi’iyay dhismayaal badan,sidoo kale waxaa dabkaasi uu sababay qasaare hantiyadeed oo xoogan,iyadoo gebi ahaanba ay basbeeleen dhismaayaal ganacsi oo badan.

Dab ka dhashey koronto ayaa si dhaqsi ah ku fiday,kaasi oo si deg deg ah u gubay hanta badan oo tiilay Bakhaarada Ganacsiga,balse marki dambe lagu guuleystay in la damiyo sida uu warbaahinta u sheegay C/salaam Axmed C/llaahi oo kamid ah howlwadeenada  gaadiidka debdamiska ee Gobolka Banaadir.

“Dabka waxaa uu bilowday fiidkii,wuxuuna ka dhashey koront,runtii waxaa ku basbeeley halkaasi hanta badan,balse majiraan wax qasaare nafeed ah inta aan aragnay,Gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa halkaasi gaaray alle mahadii waan ku guuleysanay”,Ayuu yiri C/salaam Axmed.

Ma ahan arrin cusub dab ka koco suuqyada Muqdisho ugu waaweyn. Balse arrinta ugu dhibka badan ayaa ah goobaha qaar oo u dhisan qaab isku raran ah oo ciriiri ah,taasi oo ay adagtay in si fudud gaadiidku ay u maraan si loo damiyo.

Dowrjeer oo hore ayaa waxaa dab ka kacay Suuqyada Bakaaraha iyo Suuq-Bacaad, muddooyinkii ugu dambeeyeyna maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku howlanaa sidii loo furi lahaa waddooyinka si ay u fududaato gurmadka waqtiyada dhibaatadu ay dhacdo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...