Sheekh Kenyaawi ”Dalka Soomaaliya wuxuu ku dhismi karaa in Shacabka iyo Dowladdu ay isku xirmaan.”

Date:

Muqdisho(SONNA) Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ee kunool dalka Masar ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay lashaqeeyaan Dowladdooda taasi oo ay ku tilmaameen in ay keeni karto horumar dhan kasta leh.

Sheekh Max’ed Sheekh Ibraahim Kenyaawi oo wareysi gaar ah siiyaya Walaaladda Wararka SONNA ayaa ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ugu baaqey in ay la shaqeeyaan Dowladda Taageerona ay siiyaan.

Wuxuu sheegay in booqashadii dhawaan uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxmed C/llaahi Farmaajo ku tagay dalka Masar, iyo la kulankiisa Jaaliyadda ay noqotay mid dhiiro gelisay kalsoonida bulshada.

“Ficilka madaxweyne Farmaajo aniga waxaan is leeyahay in uu yahay mid horseedi kara kalsooni iyo midnimo umadda Soomaaliyeed dhexdeeda,dadkan runtii kula dhacsan maanta waa raaciyadaadi, marka mas’uuliyad ayaa kaa saaran madaxweyne adna guddo waajibaadkaada oo oofi balamadii aad qaaday”,Ayuu Yiri Sheekh Kenyaawi.

Wuxuu sidoo kale  ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan dowladdooda, isagoo xusay in dalkasta dadkiisa uu dhisayo,isagoo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dalka uu ku dhismi karo hadii shacabka iyo Dowladu ay iskaashadaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa dhawaan waxaa uu booqasho rasmi ah ku tagay dalka Masar halkaasi oo uu kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool halkaasi.

Wariyaheena Masar Mowliid  Xasan Cabddi

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan...

Wasaaradda Caddaaladda oo shaacisay xiliga la qabanayo Shirweynaha 1-aad ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS,...

Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuur BFS oo kulamo ka yeeshay arrimaha Dastuurka dalka

Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka iyo Guddiga Lasocodka Dastuurka...