Ciidanka Amaanka oo ka hortagay gaari walxa qarxa laga soo buuxiyey (Sawirro)

Date:

Afar qof oo labo kamid ah ay shacab yihiin ayaa ku dhawaacantay qarax galabta ka dhacay waddada mashquulka badan ee Maka almukarama  gaar ahaan meesha loo yaqaano Garaasha Xaaji Baasto kaas oo saraakiisha amniga ku sheegeen in uu ahaa gaari la dhigay waddada dhinaceeda.

Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed gaashanle sare Qaasim Axmed Rooble oo saxaafadda kula hadlay halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in gaarigan ciidanka ka war heleen isla markaana waddada la xirey dadkana laga fogeeyay goobta uu yiiley gaariga qarxay.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in labo qof oo shacabka iyo labo askari oo booliiska ka tirsan ay ku dhaawacmeen.

Goobaha ganacsi ee ka ag dhow meesha uu qaraxa ka dhacay ayaa burbur uu soo gaaray, waxayna saraakiisha amnigu sheegeen in ay ka hortageen khasaare intaan ka badan oo uu geysan lahaa qaraxan.

Ciidanka amniga Soomaaliya ayaa howlgalo ammaanka magaalada Muqdisho lagu sugayo waday muddooyinkan dambe waxayna taasi keentay in ciidanka ka hor tagaan isla markaana fashiliyaan qaraxyo dhowr ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbax ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay keydad biyo ah oo ay lahaayeen Khawaarijta

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keydkii...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Beljimka oo ka bannaan-baxay aqoonsi beenaadka Israa’iil

Dadweynaha Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax...

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...