Wasiirka cusub ee Howlaha Guud oo xilka la wareegay

Date:

Munaasabadda uu xilka kula wareegayey wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Soomaaliya Mudane Eng: Saadaq C/laahi Cabdi, oo lagu qabtay Muqdisho waxaa ka qeyb galay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guulee, wasiiru dowlaha wasaaradda howlaha guud, shaqaalaha iyo madaxda kale ee wasaaradda.

Ugu horeyn agaasimaha guud ee wasaaradda Howlaha Guud Mudane Saalax Cabdi Axmed ayaa sharaxay howsha wasaaradda iyo doorka ay ku leedahay dib u dhiska dalka, waxaana uu sheegay in shaqaalaha iyo dhamaan madaxda kale ee wasaaradda ay soo dhaweynayaan wasiirka cusub Eng: Saadaq C/laahi Cabdi.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Howlaha Guud Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo horey u ahaa sii haya xilka wasiirka wasaaradda howlaha guud ayaa wasiirka cusub ku wareejiyey Documentiyo muujinayey howsha wasaaradda, isagoo dhinac kale soo dhaweeyey wasiirka.

Mudane saadaq C/laahi Cabdi wasiirka cusub ee wasaaradda Howlaha Guud oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono heshiisyada iyo qandaraasyadii hore ee wasaaraddu ay gashay si loo dar dar galiyo howsha baaxadda leh ee wasaaradda.

Ugu dambeyn R/wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa madasha ka sheegay in iyada oo la dar dar galinayo isla xisaabtanka xukuumadda si gaar ah loola xisaabtami doono wasiradda xukuumadda Soomaaliya oo uu kamid yahay Eng: Saadaq C/laahi Cabdi wasiirka cusub ee wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...