Madaxweynaha iyo Sheekha Al-Azhar oo ka wada hadlay kordhinta deeqaha waxbarashada, dabargooynta xagjirnimada

Date:

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalinkii labaad booqasho ku jooga dalka Masar ayaa maanta tagay Xarunta Al-Azhar Al-Shariif ee magaalada Qaahira, halkaas oo sii diirran uu ugu soo dhaweeyey Imaamka Mu’assasada Al-Azhar Dr. Axmed Al-Dayib.

Sheekh Axmed Al-Dayib ayaa sheegay in Mu’assasada Azhar ay ku garab taagantahay Soomaaliya dagaalka ay kula jirto argagixisada iyo fikirka xagjirnimada ah.

Sheekha Al-azhar ayaa yiri “Mudane Madaxweyne, waxaan Alle kaaga rajeynaynaa in uu ku waafajiyo waddada aad ku gaarsiin lahayd dadkaaga iyo dalkaaga xasillooni iyo horumar. Waxaan kuugu bishaaraynayaa in Azhar ay idinla garab taagantahy waxbarasho iyo wacyi gelin ku aaddan arrimaha diinta si loo dabar gooyo fikirka xagjirnimada.”

Madaxweyne Farmaajo iyo Sheekha Al-azhar ayaa isla qaatay:
1.In deeqaha waxbarasho ee Azhar ay siiso Ardayda Soomaaliyeed la kordhiyo 50% sannadkan.
2.In Culumada Soomaaliyeed iyo kuwa dhiggooda ah ee Al-Azhar ay yeeshaan kulumo joogta ah oo ku aaddan iftiiminta fikirka xagjirnimada iyo sida uu hareer marsanyahay diinta iyo dhaqanka Islaamka.
3.In dalka laga hir galiyo xarun casri ah oo lagu barto Afka Carabiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay kaalinta ay Culumada Azhar ku leeyihiin Soomaaliya iyo guud ahaan hawlwadeennada Mu’asasaadaasi maadama ay tahay hooy waxbarasho oo ay ardayda Soomaaliyeed kusoo hirtaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa yiri “waxaan ku kalsoonahay kaalinta aad ka qaadan kartaan wacyi gelinta dhallinyarada la marin habaabiyey iyo sidii loola dagaallami lahaa fikirrada xagjirka ah ee dhibaatada ku haya dalalkeenna.”

Sheekha Azhar Dr.Axmed Al-Dayib ayaa ballan qaaday in dhawaan ay kooxo culimo ah u soo diri doonaan Soomaaliya, sidoo kalena ay Masar ku casuumayaan Culumada Soomaaliyeed si la isaga kaashado baabi’inta fikirrada xagjirnimada.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...