R/W Ku xigeenka Soomaaliya “Dhibaatooyinkii jiray waxay nabareen casharo nagu filan kuwaas oo Indhaha noo furay”

Date:

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta ka qayb galay kalan lagu soo bandhigayay Xog laga soo aruuriyay ka qayb galayaashii shirkii Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya kaa soo ka dhacay caasimadda Muqdisho, si loola wadaago dawladda iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshadda, waxaana soo qaban qaabiyay madaxda Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

Waxaa xafladda ka soo qayb galay Wasiiradda Wasaaradaha,Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda, Warfaafinta, Wasiir ku xigeenka Amniga, Xil-dhibaano, gudoomiyaha gobolka Benaadir, Ururadda Bulshadda iyo Khuburo ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha,Fedaraalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Abdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa ku qeexay ahmiyadda shirkan in uu yahay habkii dawladda iyo shacabla loogu soo bandhigi lahaa xog-aruurin iyo cilmi baaris ku salaysan nidaamka dib-u-heshiisiinta dalka, waxuuna sheegay in mar kale shir lagu qaban doono magaaladda Muqdisho,si loola wadaago bulshadda natiijadda ka soo baxday shirkii dib-u-heshiisiineed ee dhawaan la qabtay, waxuuna hadalkiisa raaciyay in dhamaan Maamul Goboleedyadda lala wadaagi doono xog-aruurintan la sameeyay.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa cilmi-baarista iyo xog-aruurinta la sameeyay uga mahed celiyay madaxda Wsaaraddda Arrimaha Gudaha, iyo khubaraddii ka soo shaqeysay maadaama ay ku qotonta xaaladdaha ka jira dalka, kuwaa soo loo baahan yahay in hadda wax laga qabto,si shacabku ay u dareemaan dawladnimadii ay ku haminayeen loona hirgaliyo qorshaha madaxdwaynaha Soomaaliya iyo xukuumadda ee u adeegidda Dalka,Dadka iyo Diinta.

“Intii ay socdeen dhibaatooyinkii ka jiray dalka waxaan ka baranay casharo nagu filan,kuwaa soo Indhaha noo furay,marka waa in aan danteena garanaa oo aan ka shaqeynaa midnimadda ummaddeena” ayuu yiri R/W ku xigeenka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khadar ayaa xaqiijiyay in bulshadda Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin horumar iyo wada shaqeyn, waxuuna madaxda dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed u soo jeediyay in ay gacan siiyaan barnaamijka Dib-u-heshiisiinta dalka oo muhiimad wayn leh.

Madaxdii ka soo qayb gashay shirka ayaa si wada jira ah usoo dhaweeyay xog-aruurinta la sameeyay taasoo ku salaysan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka dadka Soomaaliyeed,waxayna u mahed celiyeen shaqalaha iyo maamulka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, maadaama muhiimad wayn siiyeen xalinta khilaafka dalkeena.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...