Guddoomiye Jawaari oo la kulmay Soomaalida ku nool Capetown K.Arika

Date:

Munaasabad lagu soo dhaweynayay wefdi uu hogaaminayo guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Max’ed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa lagu qabtay magaalada Capetown ee dalka C/Africa

Waxaa ka qeybgalay Danjiraha Soomaaliya ee Koonfur Africa Jamaal Barrow, Qunsulka Guud Maxamed Cali Mire jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool halkaasi iyo mas’uuliyiin kale.

Dadkii ka qeybgalay munaasabadaasi ayaa warbixino siiyay wefdiga guddoomiyaha Golaha Shacabka, taasi oo ku aadan xaaladda dhabta ah oo ay ku sugan yihiin, iyagoo dhanka kale madaxda weydiinayay sua’alo ku aadan waxyaabaha u qabsoomay dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Max’ed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa uga mahadceliyay Jaaliyadda Soomaliyeed ee Koonfur Africa sida ay u soo dhaweeyeen, isagoo ku booriyay in ay muujiyaan degnaansho.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheeegy in dalka Soomaaliya uu ka jiro horumar ballaaran loona baahanyahay Soomaalida kunool dalkaasi iyo kuwa kaleba in ay ka qeyb qaataan horumarkaasi.

Wefdiga guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa magaalada Johannesburg ee dalkaasi Koonfur Africa uga qeybgalay shirka guddoonada baarlamanada Qaaradda Africa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...