Agaasimaha SONNA iyo danjiraha China ee Soomaaliya oo kulmay

Date:

Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Cabdulaahi Sheekh Cabdiraxman Heybe ayaa la kulmay Safiirka dowlada Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Jian.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa Xiriirkii wanaagsanaa iyo wada shaqeyntii ka dhaxeysay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA iyo wakaalada Dowlada Shiinaha ee Xinhua .

Safiirka Dowlada Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian  ayaa balanqaaday inuu ka shaqeyn doono sidii wada shaqeyn dhow ay u yeelan lahaayeen Labada wakaaladood isla markaana ay u dhex mari laheyd wax is dhaafsi, maadaama uu sheegay in Wakaalada SONNA ay tahay Hey’ad muhiim ah oo dowli ah.

Sidoo kale Safiirka wuxuu sheegay inay ka shaqeyn doonaan Hormarinta Wakaalada sida in Qalabyo kala duwan ay ku taageeraan, Tababaro la siiyo shaqaalaha iyo heshiis hore u dhex maray SONNA iyo Xinhua in la dhaqan geliyo.

Agaasimaha SONNA, Cabdulaahi Sheekh Cabdiraxman Heybe ayaa kaga mahad celiyay Safiirka Shiinaha kulanka uu la qaatay iyo sida uu u soo dhaweeyay, wuxuuna guul ku tilmaamay Balanqaadyada uu u sameeyay Safiirka, isagoo dhankiisa balanqaaday inay wada shaqeyn dhow la yeelan doona Wakaalada Dowlada Shiinaha ee Xinhua.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...