Agaasimaha SONNA iyo danjiraha China ee Soomaaliya oo kulmay

Date:

Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Cabdulaahi Sheekh Cabdiraxman Heybe ayaa la kulmay Safiirka dowlada Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Jian.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa Xiriirkii wanaagsanaa iyo wada shaqeyntii ka dhaxeysay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA iyo wakaalada Dowlada Shiinaha ee Xinhua .

Safiirka Dowlada Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian  ayaa balanqaaday inuu ka shaqeyn doono sidii wada shaqeyn dhow ay u yeelan lahaayeen Labada wakaaladood isla markaana ay u dhex mari laheyd wax is dhaafsi, maadaama uu sheegay in Wakaalada SONNA ay tahay Hey’ad muhiim ah oo dowli ah.

Sidoo kale Safiirka wuxuu sheegay inay ka shaqeyn doonaan Hormarinta Wakaalada sida in Qalabyo kala duwan ay ku taageeraan, Tababaro la siiyo shaqaalaha iyo heshiis hore u dhex maray SONNA iyo Xinhua in la dhaqan geliyo.

Agaasimaha SONNA, Cabdulaahi Sheekh Cabdiraxman Heybe ayaa kaga mahad celiyay Safiirka Shiinaha kulanka uu la qaatay iyo sida uu u soo dhaweeyay, wuxuuna guul ku tilmaamay Balanqaadyada uu u sameeyay Safiirka, isagoo dhankiisa balanqaaday inay wada shaqeyn dhow la yeelan doona Wakaalada Dowlada Shiinaha ee Xinhua.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...