Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka qeyb galay Cayaaro lagu maamuusayay maalinta Dhalinyarada Adduunka

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay gelinkii danbe ee maanta daawashada Ciyaaro kala duwan oo Muqdisho lagu qabtay, kuwaas oo lagu maamuusayay maalinta dhalinyarada Adduun ka. Waxana ciyaarahan soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha, iyadoo ay ka qeyb qaadanayeen dad kala duwan oo isugu jirey dhalinyaro iyo waaweyn oo goobtaasi ku soo bandhigay xirfadahooda.

Ra’iisal-Wasaaruhu wuxuu dhiirigeliyey qeybihii kala duwanaa ee ciyaaraha soo bandhigay, wuxuu xusay inay maanta tahay maalin taariikhi ah oo ka turjumaysa doorka dhalinta Soomaaliyeed ku leeyihiin horumarka dalkooda. Isagoo sheegay inuu dareen sanyahay xaalada adag ee dhalinta Soomaaliyeed ku sugan yihiin xiligan oo dalku soo kabanayo iyo marxaladihii adkaa.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in cayaartani muujinayso sida ay dadka Soomaaliyeed uga soo jeesteen colaadihii daashaday, isla markaana diyaar u yihiin ka faaiideysiga xirfadahooda.

Mudane Khayre waxaa uu cadeeyay go’aanka dawladda ee ku wajahan wax-ka qabashada arrimaha dhalinyarada iyo siday da’yartu uga qeyb gali lahaayeen nabadaynta iyo horumarka dalka. wuxuu tilmaamay inay dawladdu u dhago nugushahay dhalinta Soomaaliyeed.

Daawashada Cayaaraha ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo dadweyne isaga kala yimid degmooyinka Caasimadda.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity, oo kaashanaysa Safaaradda Dowladda Qatar ee...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Mogadishu, Friday, 20th February, 2026 1- President Hassan Sheikh Mohamud...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

Muqdisho, Jimco, 20-ka Febraayo 2026 1'Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo kala saxiixday Heshiis Dekadaha iyo Gaadiidka ah

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka...