Maamulka Gobolka Benaadir oo dib u furay Waddada shaqaalaha

Date:

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa  dib u furey waddada 26-ka June oo loo yaqaan shaqaalaha oo in muddo ah amni dartiis u xirneyd, taas oo isku xirta waddada caanka ah ee Maka Al-Mukarama iyo waddada Wadnaha, gaar ahaan Isgoyska KPP ilaa iyo kan Warshadaha, iyadoo waddadan dhowaan dowladda hoose ee Xamar dib u dhis ku sameysay.

Furista waddadan ayaa maamulka gobolka Banaadir waxaa uu la kaashaday Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed iyo mas’uuliyiin kale ayaa tegay halkaas.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in waddo kasta oo ku taala magaalada Muqdisho oo xiran dib loo furi doono, si loo yareeyo cariiriga gaadiidka, isla markaana loo fududeeyo isu socodka dadweynaha Soomaaliyeed.

Furitanka waddadan ayaa ka dambeysay markii shacabka ay maamulka gobolka Banaadir ka cadsadeen in loo furo waddadan, maadaama ay muhiim u tahay isu socodka kala duwan ee magaalada.

Guddoomiye Thaabit, ayaa ka codsaday mas’uuliyiinta dowladda, ganacsatada iyo hey’addaha kale oo wadddooyinka qaar u xiran yihiin in ay furaan.

Dhowaan ayay aheyd markii maamulka gobolka Banaadir ay dib u fureen waddada hor marta Wasaaradda Amniga, hase ahaatee waxaa wali xiran waddooyin kale oo muhiim  ah, kuwaasi oo ay qorsheynayaan inay dib u furaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Madasha Daneeyayaasha Kalluumeysiga Soomaaliya

Hay’adda Cilmibaarista Badaha Soomaaliyeed (HCBS), oo kaashanaysa Magan Forum,...

Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed...

Soomaaliya iyo Turkiga oo xoojinaya iskaashiga kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee JFS, Mudane...

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...