Dabaal degyo lagu taageerayo Guushi Uhuru Kenyatta oo ka soconaya Nairobi

Date:

Wixii ka dambeeyey markii lagu dhawaaqey in doorashadii dalka Kenya ka dhacday uu ku guuleystay Madaxweyne Uhuuru Kenyatta ayaa waxaa soconayay banaan baxyo ballaaran oo lagu taageerayo guushaasi.

Kumanaan taageerayaasha xisbiga talada haya ayaa lagu arkayay wadooyinka magaalooyinka dalkaasi gaar ahaan Nairoobi kuwaasi oo ku dhawaaqayey halkudhigyo ku qotoma guushaasi la shaaciyay.

Madaxweynaha la do.ortay ee Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqey shacabka reer Kenya in ay muujiyaan degnaasho iyo midnimo, islamarkaana ay gacmaha is qabsadaan

Dhanka kale waxaa jira in xisbiga mucaaradka uu hogaamiyo Railla Odinga  uu si weyn uga hor yimid guushaasi doorashada iyagoo ku tilmaamay in aysan u dhicin qaab cadaalad ah.

Dhawaqa rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayay xaafado kamid ah magaalada nairoobi gaar ahaan xaafadaha isku raranka ah taasi oo ay ridayeen taageerayaasha mucaaradka.

Uhuru Kenyatta oo ka tirsan xisbiga Jubilee ayaa helay 54% codadkii la dhiibtay halka musharraxa xisbiga mucaaradka Raila Odinga uu helay 44% codadkii la tiriyay, sida uu ku dhawaaqey guddiga doorashada dalka Kenya.

Waxaa codadkooda dhiibtay in ka badan 15-Malyan oo Muwaadiniin Kenyaan ah iyadoo Markii hore ay isdiiwaan galiyeen ilaa iyo 19-Malyan oo Shacabka Kenya ah.

Waa markii labaad oo Shacabka Kenya ay doortaan Madaxweyne Kenyatta, iyadoo waliba markii Labaad uu ninkaan ka Guulaystay Raila Odinga.

Mr Kenyatta oo ah 55 sano jir ayaa markiisii ugu danbeysay xilkan hayn doono shanta sano ee soo socoto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....