Shil Tareen oo sababay Khasaare xoogan oo dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhacay Masar

Date:

Shilkan ayaa ka dhacay Koonfurta magaalada Qaahir ee caasimadda dalka Masar kaasi oo ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 30 qof halka 80 kalena ay ku dhaawacmeen.

Sida ay sheegeen sheegayaan saraakiisha dalka Masar, mid kamid ah labadaasi Tareen ayaa ka soo baxay magaalada Qaahira halka midka kalena uu ka yimid magaalada Port Said ee ku beegan Waqooyiga magaaalada Alexandria.

Televisionka Qaranka dalka Masar ayaa baahiyay muuqaalo ku aadan sida uu shilkaasi uu u dhacay, ayadoo la arkayay dhaawacyo badan oo lagu qaadayo gaadiidka gurmadka deg dega ah.

Ilaa iyo haatan lama sheegin waxa sababay in ay isku dhacaan labadaasi Train, balse waxaa soconaya baaritaano ku aadan sababta dhalisay shilkaasi

Dalka Masar ayaa waxaa kajira dhibaato bulshadu ay ku qabaan waddooyinka Trainada aygoo ka codsady dowladda in ay arrimhaasi wax ka qabato.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...