Dabaal degyo lagu taageerayo Guushi Uhuru Kenyatta oo ka soconaya Nairobi

Date:

Wixii ka dambeeyey markii lagu dhawaaqey in doorashadii dalka Kenya ka dhacday uu ku guuleystay Madaxweyne Uhuuru Kenyatta ayaa waxaa soconayay banaan baxyo ballaaran oo lagu taageerayo guushaasi.

Kumanaan taageerayaasha xisbiga talada haya ayaa lagu arkayay wadooyinka magaalooyinka dalkaasi gaar ahaan Nairoobi kuwaasi oo ku dhawaaqayey halkudhigyo ku qotoma guushaasi la shaaciyay.

Madaxweynaha la do.ortay ee Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqey shacabka reer Kenya in ay muujiyaan degnaasho iyo midnimo, islamarkaana ay gacmaha is qabsadaan

Dhanka kale waxaa jira in xisbiga mucaaradka uu hogaamiyo Railla Odinga  uu si weyn uga hor yimid guushaasi doorashada iyagoo ku tilmaamay in aysan u dhicin qaab cadaalad ah.

Dhawaqa rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayay xaafado kamid ah magaalada nairoobi gaar ahaan xaafadaha isku raranka ah taasi oo ay ridayeen taageerayaasha mucaaradka.

Uhuru Kenyatta oo ka tirsan xisbiga Jubilee ayaa helay 54% codadkii la dhiibtay halka musharraxa xisbiga mucaaradka Raila Odinga uu helay 44% codadkii la tiriyay, sida uu ku dhawaaqey guddiga doorashada dalka Kenya.

Waxaa codadkooda dhiibtay in ka badan 15-Malyan oo Muwaadiniin Kenyaan ah iyadoo Markii hore ay isdiiwaan galiyeen ilaa iyo 19-Malyan oo Shacabka Kenya ah.

Waa markii labaad oo Shacabka Kenya ay doortaan Madaxweyne Kenyatta, iyadoo waliba markii Labaad uu ninkaan ka Guulaystay Raila Odinga.

Mr Kenyatta oo ah 55 sano jir ayaa markiisii ugu danbeysay xilkan hayn doono shanta sano ee soo socoto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has granted a 90-day...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis muddo 90...