R/wasaare Khayrre “Dhalinyaradu waa hormuudka iyo horumarka dalka”

Date:

R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayrre oo ay weheliyaan Wasiirka Amniga Gudaha iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, ayaa ka qeyb galay kulan aqoon is-waydaarsi ah oo looga hadlayay sida ay dhalinyaradu hoggaaminta dalka uga qeyb qaadan karaan , ayna soo abaabuleen dhalinyaro is xil-qaantay oo la magac baxay Banana Group.

Mudane Xasan Cali Khayrre oo kulanka ka jeediyay khudbad qiimo badan ayaa ugu horeyn amaanay kaalinta dhalinyarada iyo abaabulka ay muujinayaan si dalka loo dhiso.

Ra’iisul Wasaare Khayre wuxuu sheegay in masuuliyiinta dawladdu ay yihiin adeegayaal, halka shacabka Soomaaliyeed ay yihiin milkiilayaasha dalka, sidaas daraadeed ay lama huraan tahay in muwaadin kasta uu kaalin muuqata ka qaato horumarka dalkiisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u balan qaaday dhalinyarada Soomaaliyeed in Xukuumadda ay taageeri doonto qorshe kasta oo horseedi kara horumar iyo nabadgelyo, wuxuuna tilmaamay in dareen gaar ah ay ku reebtay kulankan ay dhalinyarada abaabuleen, iyagoo shisheeye iyo cid kale aanay wax waydiisan.

Wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu shahaadooyin guddoon siiyey dhalinyaradii soo qaban qaabiyay kulanka, isagoo dhinaca kale la kulmay shacabkii ku sugnaa beerta Nabadda mid mid ayuu u waydiiyey sida ay doonayaan in dawladdu u shaqayso isla markaana dalkeena horumar uu ku gaari karo, isagoo u sheegay in dawladdu ay ku shaqayneyso aragtida wanaagsan ee bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...