R/wasaare Khayrre “Dhalinyaradu waa hormuudka iyo horumarka dalka”

Date:

R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayrre oo ay weheliyaan Wasiirka Amniga Gudaha iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, ayaa ka qeyb galay kulan aqoon is-waydaarsi ah oo looga hadlayay sida ay dhalinyaradu hoggaaminta dalka uga qeyb qaadan karaan , ayna soo abaabuleen dhalinyaro is xil-qaantay oo la magac baxay Banana Group.

Mudane Xasan Cali Khayrre oo kulanka ka jeediyay khudbad qiimo badan ayaa ugu horeyn amaanay kaalinta dhalinyarada iyo abaabulka ay muujinayaan si dalka loo dhiso.

Ra’iisul Wasaare Khayre wuxuu sheegay in masuuliyiinta dawladdu ay yihiin adeegayaal, halka shacabka Soomaaliyeed ay yihiin milkiilayaasha dalka, sidaas daraadeed ay lama huraan tahay in muwaadin kasta uu kaalin muuqata ka qaato horumarka dalkiisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u balan qaaday dhalinyarada Soomaaliyeed in Xukuumadda ay taageeri doonto qorshe kasta oo horseedi kara horumar iyo nabadgelyo, wuxuuna tilmaamay in dareen gaar ah ay ku reebtay kulankan ay dhalinyarada abaabuleen, iyagoo shisheeye iyo cid kale aanay wax waydiisan.

Wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu shahaadooyin guddoon siiyey dhalinyaradii soo qaban qaabiyay kulanka, isagoo dhinaca kale la kulmay shacabkii ku sugnaa beerta Nabadda mid mid ayuu u waydiiyey sida ay doonayaan in dawladdu u shaqayso isla markaana dalkeena horumar uu ku gaari karo, isagoo u sheegay in dawladdu ay ku shaqayneyso aragtida wanaagsan ee bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...