Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Date:

Taliyaha Ciidanka Nabadsugidda Soomaaliyeed Mudane Cabdulaahi Cali Samnbalooshe  ayaa wada hadallo la xiriira sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee dhinacyada badan khuseeya la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka kowaad, ahna  R/wasaaraha dallkaasi Bakri Xasan Saalah.

Siday soo warisay Wakaalada Wararka ee Suudaan ,Taliyaha oo haatan booqasho ku jooga Caasimadda dalka Sudan ee Khartum, waxay wada hadaladaasi ay labada dhinac ay diirada saareen  iskaashiga Caasimadaha  labada dal Muqdisho iyo Khartum sidii ay u kala faaideysan lahaayeen dhinaca waaya aragnimada.

Kulankaasi dhex maray labada dhinac, waxa u  Madaxweyne ku xigeenka Suudaan BakriXasan Saalah uu ka sheegay inuu dalkiisu taageeri doono dadaalka ay Dowladda Soomaaliya uga jirto sugida amaanka dalka,iyadoo Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Soomaaliyeed  Mudane Cabdulaahi Cali Samnbalooshe  uu isna  sheegay inuu dalkiisu diyaar u yahay ka faaideysiga khibrada Dowladda Suudaan iyo horumaarka kale ee ay ka gaartay dhanka nabadgelyada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...