Baarlamanka Puntland oo ansixiyay wasiirrada cusub ee maamulkaasi

Date:

Kulankan ansixinta Golaha Wasiirada cusub ee Puntlnd waxaa goob joog ka ahaa madaxweynaha Puntland kaasi oo baarlamanku ka codsaday in si duuduub ah u ansixiyaan Wasiiradda.

Kalsooni siinta Golaha Wasiirada Puntland ayaa waxaa ay u dhacday qaab  gacan tag ah kadib markii ay xildhibaanadu isku raaceen in gacan tag laga dhigo.

Ilaa 63 xildhiban ayaa soo xaadiray kulanka, 61 kamid ah ayaa ogolaatay 2 ayaa ka aamustay  sidaasi ayay Golaha wasiirada Puntland ay ansax ku noqdeen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa ku dhawaaqey natiijada ansixinta Wasiirad.

“Waxaa kulanka goob jog ah 63, waxaa ogolaatay oo haa ugu codeysay Wasiirada 61 mudane 2 way ka aamuseen, sidaasi daraadeed,waa ansax Xukuumaddu waxaan leenahay waajibaadkeeda ha gudato”, sidaasi ayaa waxaa ku dhawaaqey guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.

Xubnaha Golaha wasiirada uu dhawaan soo magacabaay Madaxweyne C/weli Max’ed Cali Gaas ayaa gaaraya ilaa 50 oo isugu jira wasiiro, wasiir ku xigeeno iyo Wasiiru-Dowlayaal.

Markay Taariikhdu ahayd 18kii Bishii July ee tagtay ee sanadkan ayaa Baarlamaanka Puntland codkii kalsoonida uu kala noqday Golihii Wasiirada kadib markii ay ku eedeeyeen wax qabad la’aan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...