Wasiirka Tacliinta Sare oo booqasho ku tagay qaar ka mid ah Jaamacahada ugu waa wayn Dalka Suudaan

Date:

Wafdi uu hogaaminyo Wasiirka Waxbarashada  Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Soomaaliya Cabdi Daahir Cusmaan  ayaa Booqday  Qaar ka mid ah Jaamacadaha ku yaala Dalka Suudaan isagoo la saxiixday Heshiis dhanka deeqaha Waxbarashada ah.

Wafdigan uu hogaaminayo Wasiirka Waxbarashda Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Soomaaliya Dr. Cabdi Daahir  Cusmaanoo Maalintii labaad howlo Shaqo u jooga Khartuum ayaa booqday laba kamid ah Jaamacadaha ugu waaween ee Dalka Suudan isagoo Booqashadiisa ku bilaabay Jaamacada Axfaad oo ah Jaamacd ay dhigtaan Dumar kaliya wuxuuna Wasiirka halkaasi kula kulmay Gudoomiyaha Jaamcadaasi  Qaasim Badri wuxuuna ka dhageestay Warbixin kooban oo quseeya gabdhaha Soomaaliyeed ee wax ka barta Jaamacdaasi.

Gudoomiyaha Jamacadaasi Qaasim Badri  oo warbixin siinayay Wasiirka ayaa cadeeyay  in Gabdhaha Soomaaliyeed ee dhigta Jaamacadan ay yihiin kuwo firfircoon dadaal badan kana soo baxa dhamaan shuruudaha u dagsan Jaamacadda.

Wasiir Cabdi Daahir Cusmaan ayaa isna ka mahadceliyay  Warbixinta  Gudoomiyaha Jamacada Axfaad uu siiyay  isagoo tibaaxay in Suudaan kaalin weyn ka qaadatay Jaamacadaheed soo saarista hogaan tayo leh oo doorkoodu ka muuqdo Wadanka Soomaaliya sharafna u tahay Jaamacada Axfaad in ay soo saartay mid ka mid ah Gabdhaha Soomaaliyeed oo xiligan ah Gudoomiye Bankiga.

Dhanka kale Wasiir Cabdi Daahir Cusmaan ayaa sidoo kale booqasho ku tagay Jaamacada Zaciimal  Al-azharri kuna qaabilay halkaasi Gudoomiyaha Jaamacadasi  isagoo madaxda Jaamacada qado sharafeed halkaasi kula qaatay wuxuuna kala hadlay Gudoomiyaha Jaamacadaasi in ay laba jibaaraan deeqaha Waxbarashada oo ay siiyaan Dowladda Soomaaliya.

Maalinta Berita ah ayaa lagu wadaa in Wasiir Cabdi Daahir Cusmaan uu soo gabagabeeyo booqasho qaadatay mudo Sadax Maalmood ku joogay Magaalada Khartuum ee xaruunta Dalka Suudaan isagoo heshiisyo dhanka Deeqaha Waxbarashadana la Saxiixday Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Suudaan iyo Qaar ka mid ah Jaamacadaha ugu waaween ee ka dhisan Khartuum, Ardayda Soomaaliyeedna ay wax ka Bartaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

Magaalada Pretoria, Koonfur Afrika – Waxaa ka dhacay kulan...

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Boqol Qoys oo Abaartu saameysay oo raashin gargaar ah lagu gaarsiiyay Buurhakaba

Buurhakaba, Baay – Boqol qoys oo ka mid ah...

Wasaaradda Shaqada oo shaacisay Saacadaha Shaqada ee Bisha Ramadan

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa si rasmi...