Dowladda Soomaaliya oo Shiinaha uga mahadcelisay deeq cunno ah oo loogu talagalay shacabka

Date:

Dowladda Soomaaliya waxa ay uga mahadcelinaysaa Xukuumadda iyo shacabka Jamhuuriyadda Shacbiga ee China deeqda cunno ee ay u soo mariyeen hey’adda WFP dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool qeybo ka mid ah dalka.

Munaasabad kooban oo ka dhacday maanta Dekedda Muqdisho, laguna maamuusayay wareejinta deeqdan cunno oo ka kooban 2821 “metric tonnes” oo bariis ah, goobjoogna ay ka ahaayeen Drs. Maryam Qaasim Axmed Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Mudane Cali Maxamed Cali Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Qin Jian Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga China u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ms. Edith Heines kuxigeenka Agaasimaha Barnaamijka Cunnada Adduunka “WFP” ee Soomaaliya.

Ms. Edith Heines ayaa deeqdan cuntada ah ku sheegtay inay ka qeyb tahay kaalmo lacageed oo dhan $10 milyan oo doolar oo Dowladda China ay ku deeqday bishii April ee sanadkan.

Wasiir Maryam Qasim oo hadal ka jeedisay munaasabadda ayaa sheegtay, iyada oo ka wakiil ah Xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed inay uga mahadcelinayso Jamhuuriyadda Shacbiga ee China taageerada ballaaran ee ay siiso Soomaaliya, iyada oo ku sheegtay China dal saaxiib dhow ah oo ku weyn quluubta dadka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Danjire Qin Jian oo ka hadlay marinka istiraatiijiyadeed ee ay Soomaaliya ku taallo oo ka qeyb aheyd Wadada Xariirta “Silk Road” ayaa sheegay in dalkiisu caawinaad toos ah iyo mid aan toos aheyn intaba uu siinayo Soomaaliya, isagoo xusay in China ay ka jawaab celineyso baaqii bani’aadannimo ee loogu gurmanayay dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu iyo xaaladaha adag ee nolosha wajahaya, waxaana uu tilmaamay in dalkiisu yahay deeqsi gurmad bixiya, kana damqada xaaladaha bani’aadanimo.

Sidoo kale, Danjire Cali Maxamed Cali ayaa bogaadiyay dadaalka dowladda China ee ah samatabixinta, waxaana uu ka sheekeeyay xiriirka iyo saaxiibtinimada taariikhda fog leh ee shacbi weynaha China iyo kan Soomaaliya uu ka dhexeeyo, waxaana uu muujiyay baahida dalkiisu u qabo in laga gacansiiyo dhanka beerashada si wax soo saarka gudaha u noqdo mid daboola baahida, loogana hortago abaaraha iyo colaadaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska Nabad Sugidda koonfur Galbeed oo soo bandhigay xubno katirsan khawaarijta

Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaabbilay Safiirka Suudaan

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax-Dhigay Isbitaalka Laga Dhisayo Degmada Garasbaaleey

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta...

Is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka bilaabatay deegaanka Warane ee Xarardheere

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...