Dowladda Soomaaliya oo Shiinaha uga mahadcelisay deeq cunno ah oo loogu talagalay shacabka

Date:

Dowladda Soomaaliya waxa ay uga mahadcelinaysaa Xukuumadda iyo shacabka Jamhuuriyadda Shacbiga ee China deeqda cunno ee ay u soo mariyeen hey’adda WFP dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool qeybo ka mid ah dalka.

Munaasabad kooban oo ka dhacday maanta Dekedda Muqdisho, laguna maamuusayay wareejinta deeqdan cunno oo ka kooban 2821 “metric tonnes” oo bariis ah, goobjoogna ay ka ahaayeen Drs. Maryam Qaasim Axmed Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Mudane Cali Maxamed Cali Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Qin Jian Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga China u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ms. Edith Heines kuxigeenka Agaasimaha Barnaamijka Cunnada Adduunka “WFP” ee Soomaaliya.

Ms. Edith Heines ayaa deeqdan cuntada ah ku sheegtay inay ka qeyb tahay kaalmo lacageed oo dhan $10 milyan oo doolar oo Dowladda China ay ku deeqday bishii April ee sanadkan.

Wasiir Maryam Qasim oo hadal ka jeedisay munaasabadda ayaa sheegtay, iyada oo ka wakiil ah Xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed inay uga mahadcelinayso Jamhuuriyadda Shacbiga ee China taageerada ballaaran ee ay siiso Soomaaliya, iyada oo ku sheegtay China dal saaxiib dhow ah oo ku weyn quluubta dadka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Danjire Qin Jian oo ka hadlay marinka istiraatiijiyadeed ee ay Soomaaliya ku taallo oo ka qeyb aheyd Wadada Xariirta “Silk Road” ayaa sheegay in dalkiisu caawinaad toos ah iyo mid aan toos aheyn intaba uu siinayo Soomaaliya, isagoo xusay in China ay ka jawaab celineyso baaqii bani’aadannimo ee loogu gurmanayay dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu iyo xaaladaha adag ee nolosha wajahaya, waxaana uu tilmaamay in dalkiisu yahay deeqsi gurmad bixiya, kana damqada xaaladaha bani’aadanimo.

Sidoo kale, Danjire Cali Maxamed Cali ayaa bogaadiyay dadaalka dowladda China ee ah samatabixinta, waxaana uu ka sheekeeyay xiriirka iyo saaxiibtinimada taariikhda fog leh ee shacbi weynaha China iyo kan Soomaaliya uu ka dhexeeyo, waxaana uu muujiyay baahida dalkiisu u qabo in laga gacansiiyo dhanka beerashada si wax soo saarka gudaha u noqdo mid daboola baahida, loogana hortago abaaraha iyo colaadaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...