R/W ku-xigeenka Soomaaliya “Xukuumaddu waxay Samaynaysaa Siyaasad ay ku kordhinayso Dhaqaalaha, iyadoon la kordhin Canshuurta”

Date:

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumada Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader) ayaa maanta ka qayb galay shir looga hadlayay dakhliga iyo dhaqaalaha Soomaaliya, kaa soo ay soo qaban qaabiyeen Bankiga Aduunka, waxaana ka soo qayb galay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Wasiirka Ganacsiga, Agaasimaha Guud ee Maaliyada, Shirkadaha Ganacsiga, gobolka Banaadir, Jaamacadaha dalka iyo madax ka socotay Bankiga dhaxe.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaliya oo kulan ka furay ayaa ka warbxiyay dakhliga soo gala dalka iyo isbdelka ku dhacay dhaqaalaha Soomaaliya, waxuuna caddeeyay in sanooyinkii danbe la dareemayay koror dhaqaale, taasina wuxuu u sababeeyay sida ay u wada shaqeynayaan ganacsatada iyo dawladda dhaxe, balse waxuu tilmaamay in aan wali la gaarin meeshii loo baahnaa.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in Ganacsiga Soomaaliya intiisa badan uu yahayn mid ku tiirsan dalka dibadiisa, waxuuna sheegay in xukuumadu samaynayso siyaasad ay ku kordhinayso dakhliga iyo dhaqaalaha dalka, iyadoon aan la kordhin canshuurta, balse shacabka Soomaaliyeed ayuu u soo jeediyay in ay bixiyaan canshuuraha si dawladu ay u fuliso adeegyada bulshada dalkuna uu horumar u gaaro.

“Sharciga canshuur bixinta Soomaaliya waa mid gaboobay, waxayna u badan tahay in dib loo eego si loola jaan qaado caalamka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Madaxdii lagu marti qaaday shirka ayaa dhamaantood iksu raacay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kordhay sadexdii sano ee ugu dambeeyay, waxayna soo jeediyeen in la dhiirigaliyo wax soo saarka dalka, sidoo kalena la abuuro fursado Ganacsi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Horjooge katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Horjooge Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah...

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sanadkaan si heer sare...

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha oo Ka Qeyb Galay Gabagabada Shirka Madrid Dialogue

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...