Duuliye sare Asli oo Deeq gaarsiiday Ciidanka Naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Date:

Socdaalkeeda Asli ayaa ku saabsanaa  in ay indha indhaydo  xaalada adag ee ay ku noolyihiin Ciidanka Naafada Xoogga Dalka isla markaana ay u muujiso in ay garab taagan tahay iyo tan labaad oo ahayd in ay gaarsiiso  deeq lacag ah oo ay ugu talo gashay.

Duuliye Asli waxaa ay la hadashay askartii ay ka wada tirsanaayeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee u dhaawacmay Difaaca Dalkooda Hooyo  iyadoo aad ka dareemeyso gocasho iyo qiiro sida maanta xaalku yahay.

“waxaan ka xumahay sida aad maanta tihiin waayo waxaan soo xasuusanaayaa waqtigi aan soo wada qaadanay iyo wada shqeyntii ku aadneed Difaaca Dalka booqashadaydu maanta waxaa ay ku saabsan tahay inaan idin la qeyb-sado dhibka idin soo gaaray  sidoo kale waxaan baaq u dirayaa jaaliyada Soomaaliyeed ku nool Dalka dibadiisa” waxaa sidaa tiri Duuliye sare Asli Xasan Nuur Cabaade”.

kornayl  Aadan Magan Maxamed ayaa xasuustiisa dib u celiyay si qiiro lehna uga hadlay marxaladii xiligii iyo waayhii ay soo wada shaqeeyeen Duuliye Asli.

“waxaana kaaga mahad celinaynaa sida wanaagsan oo aad noo soo booqatay anigoo ku hadlaya Magaca Ciidamada Naafada Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ku Naafoobay Dalkii saban saban (77)  waxaad ahayd dadkii aan kasoo wada shaqeynay Difaaca Dalka Soomaaliyeed Duuliye sare Asli booqashada aad maanta noogu timid waxaa ay ka dhigan tahay sida aad inoo dhiiro galinayso taasoo ka dhigan in aan dad leenahay” sidaa waxaa yiri kornayl  Aadan Magan Maxamed.

Bur-burkii iyo dhibaatooyinkii Dalku soo maray ayaa si gaara u saameeyey Ciidamada Naafada Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...