Wasiirka Tacliinta sare oo Khartuum kulan kula qaatay dhigiisa Dalka Suudaan

Date:

Wasiirka Wasaaradda  Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Dowladda Soomaaliya Cabdi Daahir Cusmaan oo ay wehlinayaan Dr. Cali Sheekh Axmed Abuukar lataliyaha Wasiirka, Ismaaciil Yuusuf Cusmaan Agaasimaha Guud ee Wasaarada, xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi ku xigeenka Gudiga hormarinta  adeega bulshada Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kulankaas goobjoog ka ahaa dhamaan kulamadaas Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan Danjire Maxamed Cabdulaahi Ugaas Faarax iyo Uqeebsanaha dhanka waxbarashada Safaaradda  Dr. Cabduqaadir Maxamuud Cali Guulane.

Wafdiga ayaa  booqday xaruunta Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare ee Suudaan waxaana halkaasi ku soo dhaweesay Drs. Sumaya Abuu kashwa  oo ah Wasiirada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dalka Suudaan, soo dhaweenta ka dib ayaa wasiirku waxa uu kulan la qaatay   Wasiiradda  isagoo kala hadlay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan gaar ahaan labada wasaaradood oo ay kala matalaan wuxuuna wasiirku tibaaxay in uu diyar u yahay  adkeenta xiriirka labada wasaaradood iyo dhaqan galinta  hishiisyadii horay loo galay.

Dhinaca kale Wasiirada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Suudaan ayaa iydana sheegtay in ay diyaar u tahay dhamaan in ay garab istaaagto ka wasaarad ahaan wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowladda Soomaaliya ayna ka haqabtiri doonaan baahiyadooda dhan walbo, waxaa ay intaas ku dartay in ay ku dadaalayaan sidii ay deeqaha waxbarasho ee Dalkeeda siiso Soomaaliya sii laba jibaari doonaan.

Wafdiga Wasiirka  ayaa waxaa booqasho ku tageem mid ka mid ah Jaamacadaha faca weyn ee ka dhisan Dalka Suudaan taa oo ah Jaamacadda Niileeyn waxna ka dhigtaan arday Soomaali ah isagoo la kulmay maamulaha Jaamacadaasi, waxuu balan qaaday maamulaha Jaamacadaasi in sanadkan bixin  doonaa ilaa iyo tobon boos oo heerka labaad ee darajada Master ah qaab lacag la’aan ah si loogu faa’ideeyo ardayda Soomaaliyeed ee u baahan deeqahaasi.

Cabdi Daahir Cusmaan Wasiirka Wasaaradda  Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Dowladda Soomaaliya ayaa dhankiisa bogaadiyay maamulka Jaamacadaasi sida hagar la’aan ta ah oo ay ugu hagar baxaan ardayda Soomaaliyeed, wuxuuna cadeeyay in abaalkaasi  aanu ahayn mid ay ilowsanyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka ayaa  lagu wadaa saacadaha soo socda in uu la hadlo Jaaliyadda iyo Ardayyda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Khartuum ugana warbixiyo xaaladaha uu marayo Dalka isagoo gabagabadii safarkiisana booqan doonaa Jaamacada Afrika oo ay wax ka bartaan badanaa ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan Khartuum

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

W/Q/ Cabaas Maxamed Nuur

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...