Duuliye sare Asli oo Deeq gaarsiiday Ciidanka Naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Date:

Socdaalkeeda Asli ayaa ku saabsanaa  in ay indha indhaydo  xaalada adag ee ay ku noolyihiin Ciidanka Naafada Xoogga Dalka isla markaana ay u muujiso in ay garab taagan tahay iyo tan labaad oo ahayd in ay gaarsiiso  deeq lacag ah oo ay ugu talo gashay.

Duuliye Asli waxaa ay la hadashay askartii ay ka wada tirsanaayeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee u dhaawacmay Difaaca Dalkooda Hooyo  iyadoo aad ka dareemeyso gocasho iyo qiiro sida maanta xaalku yahay.

“waxaan ka xumahay sida aad maanta tihiin waayo waxaan soo xasuusanaayaa waqtigi aan soo wada qaadanay iyo wada shqeyntii ku aadneed Difaaca Dalka booqashadaydu maanta waxaa ay ku saabsan tahay inaan idin la qeyb-sado dhibka idin soo gaaray  sidoo kale waxaan baaq u dirayaa jaaliyada Soomaaliyeed ku nool Dalka dibadiisa” waxaa sidaa tiri Duuliye sare Asli Xasan Nuur Cabaade”.

kornayl  Aadan Magan Maxamed ayaa xasuustiisa dib u celiyay si qiiro lehna uga hadlay marxaladii xiligii iyo waayhii ay soo wada shaqeeyeen Duuliye Asli.

“waxaana kaaga mahad celinaynaa sida wanaagsan oo aad noo soo booqatay anigoo ku hadlaya Magaca Ciidamada Naafada Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ku Naafoobay Dalkii saban saban (77)  waxaad ahayd dadkii aan kasoo wada shaqeynay Difaaca Dalka Soomaaliyeed Duuliye sare Asli booqashada aad maanta noogu timid waxaa ay ka dhigan tahay sida aad inoo dhiiro galinayso taasoo ka dhigan in aan dad leenahay” sidaa waxaa yiri kornayl  Aadan Magan Maxamed.

Bur-burkii iyo dhibaatooyinkii Dalku soo maray ayaa si gaara u saameeyey Ciidamada Naafada Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad sharaf Qaran guddoonsiiyey dhiggiisa dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay haweenka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka,...

Wasaaradda Beeraha oo Magacaabay Guddiga xog-ururin ku soo sameeya Suuqyada Khudaarta soo dhoofiya.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa magacaawday guddi shaqo oo...