Maxkamadda Beladweyne iyo tan racfaanka gobolka oo laga hirgeliyay Hiiraan

Date:

Munasabadan  lagu daahfurayay  Maxkamadaha Racfaanka Gobolka iyo mida Degmada Beledweyne laguna magacaabayay Guddoomiyeyaasha iyo Garsoorayaasha maxkamadahaasi waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Dowlad  Goboleedka Hir-shabeelle, Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan iyo mas’uuliyiin kale.

Goobta waxaa  lagu dhaariyay Guddoomiyaasha Maxkamadaha iyo xubnaha kale ee ka howlgali doona laamaha Garsoorka ka shaqayn lahaa, waxaa ka hadlay Guddoomiyaha degmada Beledweyne Aadan Axmed Xeefow.

“Maanta waxaa isleeyahay Maamulkeena aas aaskeeda ayaa dhismay, mas’uuliyiintana waxaan leeyahay in xilkaan si cadaalad ah ugu adeegtaan bulshada aad matashaan, kana shaqeeya horumarinta cadaaladda”  ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Beledweyne.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Deeqow ayaa yiri “Waxaan filayaa in wixii maanta ka dambeyeey dadka gobolka ku dhaqan ay heleen nidaamkan Garsoorka ah, isla markaana ay isku xukumi doonaan”

Wasiirka Wasaaradda Garsoorka, Diinta iyo Awqaafta Dowlad Goboleedka  Hirshabelle C/qaadir Cusmaan C/salaam Kheyraad ayaa bogaadiyay mas’uuliyiintan la magacaabay iyo wada shaqeynta shacabka.

“Waxaan leeyahay reer Beledweyne is qabqabsi ma jiro, waxaa aadi jirteen deegaanno kale qofkii aadanaa wixii lagu xukumi lahaa waa diyaar, waxaana idin ku bogaadinayaa in aad la shaqeysaan mas’uuliyiintan la idin magacaabay” ayuu Yiri  Wasiir C/qaadir Cusmaan.

Madaxweynaha maamul Goboleedka Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa si rasmi ah u furay  maxakamadaha Degmada Beledweyne iyo midda racfaanka.

“Saacaan wixii ka dambeya Ummadaan waxaa lagu kala saarayaa shareecda islaamka, mar hadii aan Maxkamadihii  furnay, cid aan ku dhaqanka sharcigaasi ugu leexan doono ma jirto, qofkii qof dilaa ama dhacaa” ayuu yiri Madxweynaha Hirshabeelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhoweeyay Dalka Jabuuti 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya 60 sano oo saaxiibtinimo iyo iskaashi ah”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga oo ka qeyb galay munaasabadda aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga  

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga, Amb....

Wasiirka Caddaaladda oo furay wadatashi ku saabsan Xeerarka Taxkiimka iyo Caddeymaha.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee JFS, Mudane Xasan...