Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyey Marwo Asli Xasan.

Date:

Marwo Asli Xasan Cabaade oo ah gabadhii ugu horeysay  ee noqotay Pilot kana tirsanaan jirtay ciidamada difaaca circa Soomaaliya oo dhawaantan soo gaartay magaalada Muqdisho ayaa waxaa munaasabad soo dhaweyn ah xalay ugu qabteen Muqdisho ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Munaasabadda oo ay ka qeyb galeen xildhibaano katirsan Baarlamaanka iyo masuuliyiinta ururka haweenka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay taariikhda Marwo Asli xasan Cabaade oo xubnihii ka qeyb galay Munaasabadda ay sheegeen iney muujisay in dumarka kaalin ay ku leeyihiin qaranimada iyo difaaca dalka.

Gudoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa tilmaamtay in Duuliye Asli Xasan Cabaade mudadii ay ku maqneyd dalka dibadiisa mar walbo ay ka shaqeeneysay midnimada umadda Soomaaliyeed.

Xildhibaan Maryan Macalin Isxaaq oo kamid ah xubnaha  haweenka ah ee ka qeyb galay munaasabadda soo dhaweynta ah ayaa madasha ka sheegtay in Duuliye Asli oo dalka dib ugu soo laabatay looga baahan yahay iney ka qeyb qaadato sidii loo soo saari lahaa dhalinyaro halkeeda kasii wada howshii adkeyd oo ay soo qabatay.

Duuliye Asli xasan Cabaade oo gaba gabadii munaasabadda kahadashay ayaa sheegtay iney ka qeyb qaadan doonto wacyi galinta bulshada islamarkaana ay u taagantahay ka shaqeynta dhismaha dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...