Qunsuliyadda guud ee Cadan oo faahfaahisay tirada Qaxootiga Soomaalida ee dib loo soo celiyay

Date:

Qunsuliyadda Guud Ee Soomaaliya ee Magaalada Cadan ayaa soo bandhigtay tira koobka qaxootiga Soomaaliyeed ee lagu guuleystay in laga soo daadgureeyo dalka yemen oo Colaad Sokeeye ay ku qabsatay dalka Yeman.

Axmed Cabdi Xasan Axmed Suudaani Qunsuliyadda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Cadan ayaa sheegtay in tirakoobkaan uu yahay dadkii qaxootiga Soomaaliyeed ee laga soo daadgureynta dalka Yeman intii dhexeysay bishii October 2016 illaa bishaan aan ku jirno ee Julay 2017.

Amb Suudaani wuxuu sheegay in wadarta guud tirade qaxootiga ee yaman laga soo daadgureeyay ay gaareyso 1243 qof oo isugu jira Qaxooti,Arday, dad xanuunsan iyo qoysas si iskood ah ugu noolaa dalka Yeman.

Kumannaa Qaxooti Soomaali ah oo ka cararay colaaddii sokeeye ee sanadku markuu ahaa ahaa 1991 ka qaraxday dalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalooyinka waaweyne ee dalka Yeman, halkaas oo ay qarkood ka bixlaabeen in ay abuurtaan nolol cusub hase yeeshee waxaa mar qura isbadashay xaaladda kadib markii dalkaasi mar qura uu ka qarxay dagaal sokeeye oo ay horkacayeen kooxda Xuutiyiinta oo gacan ka helayay maleeshiyaad daacad u ah Madaxweynihii hore ee Yeman Cali Cabdalla Saalax.

Qunsuliyadda Guud ee Soomaaliya ayaa markiiba billaawday dadaal dheeraad ah oo ay kaga jawaabeyso baahida qaxootiga Soomaaliyeed oo ka baxsanayay Duqeynta iyo dagaalada foolkafoolka ee ugu dambeyn sababay in maleeshiyaadka Xuutiyiinta ay la wareegaan magaalada Sanca Ee Caasimadda Dalka Yeman.

โ€œMarkuu ay Xaaladdu dhinac walba ka cakirantay waxaan qaadanay goโ€™aan ah in aan soo daadgureysno muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan u dhaaranay, majirin wax dhaqaale ah oo aan ka qaadeynay dadka qaxootiga ee dib aan ugu soo celinay dalkooda hooey, sidoo kale majirin cid cawimaad nagu siisay soo daadgereyntooda, waxaan halkaan uga mahadcelinayaa Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaaji iyo Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo marwalba nagu dhiirrigalinayay dadaalka joogtada ah ee aan mudadaas wadnay illaa hadana aan wadnoโ€ayuu hadalkiisa raaciyay mudane Axmed Suudaani Qunsulka Guud ee Magaalada Cadan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta iyo kheyraadka Biyaha XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qadar

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Cabdullaahi Bidhaan...

Soomaaliya oo 35 Sano kadib ku guulaysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo qaabillay wafdi ka socda Saldanadda Cummaan

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...