Hidaha iyo dhaqanka Soomaalida oo lagu soo bandhigay magaalada Pretoria

Date:

Kulanka oo uu soo abaabulay Xafiiska Hidaha iyo Dhaqanka Safaaradda Soomaaliya ee Koofur Africa, ayna ka soo qeyb galeen Madax ka socoto Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee K/Afrika, Madax matalayaysay Hay”dda Q.M ee UNDP, Safaaradaha Mareykanka, Sweden, Sudan, Koofurta Kuuriya, aqoonyahano ka socday qaar ka mid ah Jaamacaha Dalka, Ganacsto, waxgarad iyo kooxda Hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee Johannseburg ayaa lagu qabtay magaalada Pretoria.

U Qaabilsanaha Safaarada Soomaaliya ee dhanka Hidaha iyo dhaqanka Cabdi Xalane Hirsi ayaa sheegay in ujeedka kulanka uu yahay sidii bulshada loo turi lahaa waxyaabaha u gaarka ah dhaqanka Soomaalida.

“Dhaqanke Soomaaliyeed ee maanta aduunka meel walba yaala in dadkaas ay dhaqankeeena bartaan, sida uu u shaqeeyo, in dadkaan iska socda aysan aheyn qaxooti kali ah, fariintaan ayaan rabnay aduunka in aan tusno oo ah dhaqankaas Soomaaliyeed laga gado sida ay tahay Soomaaliyadii shalay Soomaaliyada maanta iyo Soomaaliyada bari” ayuu yiri Cabdi Xalane.

Sidoo kale xafladda waxaa lagu soo bandhigay taariikh-da siyaasadda, dhaqanka, dhaqaalaha, ganacsiga Soomaalida kheyraadka uu leeyahay dalka berri iyo bad iyo waliba cayaaraha iyo hidaha dhaqanka ay Soomaalida qaniga ku yihiin, waxaa sido kale goobta lagu soo bandhigay 9-ka Madaxweyne ee soo martay Soomaaliya 57-dii sano ee lasoo dhaafay.

Dr Ezekiel Moraka ku xigeenka Hogaanka Jaamacadda Tshwane University of Technology oo kulanka ka hadlay waxaa uu sheegay in kulankaan la isugu yimid ay ku arkeen dhaqanka Soomaalida ay qaniga ku tahay sida uu ahaa waqtigii hore maanta sida uu yahay iyo sida uu noqon doono Mustaqbalka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka South Africa Dr Jamaal Barrow oo kulanka soo gaba gabeeyay ayaa ka hadlay taariikh-da dadka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Hadii aad rabto in aad aragto Soomaaliya waxaad fiirisaa Jaaliyadda Soomaalida halkaan joogta, waxaa ay u bareereen dhibka halkaan ka jira waxa ay abuurteen ganacsiyada yaryar kuwaa oo ay meel wanaagsan kaga jiraan ayaga oo qaxooti ah” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Dalka Koonfur Afrika.

Marka kulanka uusoo dhamaaday kadib ayaa ii suuragashay in aan dareenkooda waydiiyo qaar ka mid ah Diblomaasiyiintii kasoo qeybgashay iyo waliba Ardayda Soomaalida ee dalkaan wax ka barata.

Kulankaan ayaa kusoo idlaadau jawi aad u wanaagsan, waxaana safaarada ay balan qaaday in la joogteyn doono bandhigyada noocaan oo kale ah si Caalamka loogu muujiyo Soomaaliya in ay tahay dal madax banaan oo ka mid ah dalalka Qaaradda africa ugu kheyraadka badan.

Abdullahi Maxamuud Amiin “C/laahi Qorshe”

Johannesburg-South Africa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...