Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo gaaray Kismaayo

Date:

Wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee dawlad goboleedka Jubbaland.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Jubbaland oo isugu jiray Wasiiro iyo Xildhibaano.

Intaa kadib, waxaa wafdiga loo galbiyay madaxtooyada Jubbaland oo ay salaan ugu tageen Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Wasiir Cabdi Xoosh ayaa Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Jubbaland ugu mahadceliyay sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen wafdiga uu hogaaminayay.

โ€œWaxa aan idinkaga mahadcelinayaa sida Soomaalinimada leh ee aad noogu soo dhaweeyseen Kismaayo, waa wax ay can ku tahay Jubbalandโ€ ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambeyn, wafdiga ayaa maalmaha soo socda shirar ku saabsan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka la geli doona Madaxweynaha, Wasaaradda Dastuurka, iyo Ururada Bulshada Rayidka ee Jubbaland.

—–DHAMAAD—–

ย ย ย ย 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...