Ra’isulwasaare ku-xigeenka oo xariga ka jaray mashruuca balaarinta Dhageysiga Radio Muqdisho

Date:

Si  kor loogu qaado wacyi galinta bulshadda ayaa Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo kaashanaysa Qaramada Midoobey waxa ay ku guuleysatay inay hawada geliso FM 5.000 oo Waad ah kaasoo cod baahiyaha Radio Muqdisho codka Jamhuuriyadda Soomaaliya gaarsiinaya si toos shanta Gobol Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka, Wasiiro, Xildhibaanno, Mas’uuliyiin ka socotay maamulka Gobolka Benaadir iyo marti sharaf kale ayaa goob joog ka ahaa xafladda daahfurka mashruuca balaarinta Raadiyaha Qaranka..

Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdifataax Daahir Jeyte ayaa sheegay in sare u qaadidda tayada Idaacada ay muhiim u tahay bulshada, waxaana uu intaa ku daray in tallaabadan ay xoojineyso in bulshada Soomaaliyeed ay gaarto siyaasadda dowladda.

Wasiirkii hore ee warfaafinta C/qaadir Xuseen Maxamed Jahaweyn ayaa bogaadiyay horumarka Radio Muqdisho iyo Warbaahinta Qaranka .

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusf Al-cadaala iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis waxa ay si wadajir u sheegeen in balaarinta dhegeysiga  Radio Muqdisho ay muhiim u tahay la dagaallanka afkaarta qaldan.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow waxa uu tilmaamay in Wasaaradda ay kordhinayso howlaha kor loogu qaadayo wacyi gelinta bulshada.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar oo daah furay mashruuca balaarinta Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda waxa uu  ku tilmaamay tallaabo hore oo loo qaaday .

1951 dii ayaa la aas aasay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda waa uu door ku lahaa dhismaha dowladnimada Soomaaliya kaddib burburkii Soomaaliya iyo waqtigan lagu guda jiro dib u soo kabashada dowladnimada Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Danab oo deegaanka Towfiiq ku qabtay laba dhagar-qabe

Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Soomaaliya oo u Diyaargarowday Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka

Soomaaliya waxa ay si weyn ugu diyaargarowday xuska Maalinta...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS),...

Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday

Waxaa hubaal ah in su’aasha ah “Wax dhaama dawladnimada...