Wasaaradda Isgaarsiinta oo ka hadashay qorshayaasha looga gaashaaman karo cilladaha internet-ka

Date:

Dadaal dheer oo ay si wadajir ah u bixiyeen Dawladda Soomaaliya iyo Shirkadda gaarka loo leeyahay ee hirgelisay adeegga Fiber Optic-ga ayaa waxaa lagu guuleystay in dib loo soo celiyo adeeggii internet-ka ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Muddadaas ku dhow 3da toddobaad waxaa dalka soo gaaray khasaare dhaqaale oo taabtay qeybaha kala duwan, sida ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada dawladda.

Haseyeeshee, waxa ay Wasaaradda boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda dadaal aan kala go’ lahayn u gashay sidii loo yareyn lahaa khasarahaas, Shirkadda gaarka loo leeyahay ee adeegga gacanta ku haysana looga caawin lahaa xallinta arrintan.

Annaga oo ka faa’iideysaneyna fursaddan, ayaa waxa aynu jecelnahay inaan dhinacyada kala duwan la wadaagno tilmaamaha aan dooneyno in looga gaashaanto dhibaato noocan oo kale ah:

1. In si degdeg ah loo ansixiyo Xeerka Isgaarsiinta Qaranka, kaasoo qeexaya mas’uuliyadaha dhinac kasta. Sharcigu wuxuu dadweynaha siinayaa awood ay magdhaw ku weydiisan karaan haddii shirkadaha ay ka soo bixi waayaan adeeggii ay heshiiska kula galeen.
2. Shirkaddaha Isgaarsiinta iyo adeegyadda Internet-ka waxaa laga doonayaa inay sameyaan qaab xarigga looga ilaalin karo maraakiibta ku soo xiraneysa Dekedda Muqdisho, taasoo u baahan inay isla qorsheeyaan hay’adaha kale ee dawladda ee ay arrintaas khuseyso.
3. Shirkadaha ka shaqeeya internet-ka waxaa la farayaa inay sameystaan khad kale oo keyd ah (backup) si haddii mid cillad ku timaado ay ugu badbaadaan khadka kale.
4. Waxaa ganacsatada lagu baraarujinayaa in ay dalka ka furantahay fursad ganacsi oo ay ku maal-gashan karaan xargo kale. Baahida internet ee sii kordheysa iyo kalsoonida lagu qababa waxay muujinayaan in loo baahan yahay xarko kale.
5. Wasaaradda waxa ay gacanta ku haysaa qorshe qaran oo ay qeyb ka noqon doonaan dhamaan daneeyayaasha isgaarsiinta dalka, kaas oo damaanad qaadi doona helitaanka isgaarsiin tayo leh, la isku halayn karo oo la awoodi karo, kuna baahsan dhammaan dalka oo dhan.

Wasaaraddu waxay ugu dambeyntii shacabka Soomaaliyeed uga mahad celineysaa dulqaadkii ay muujiyeen muddadii uu maqnaa khadka. Waxaana rajeyneynaa in haddii la fuliyo talooyinkaas in laga gaashaaman doono inay soo noqoto cillad noocan oo kale ah.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...