Wasiirka Amniga “Waxaan dhisaynaa ciidamo gaar ah oo qaabilsan amniga madaxda iyo xarumaha dowladda”

Date:

Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda ay ka shaqeynayso sidii loo sameyn lahaa ciidan gaar ah oo ka shaqeynayo amniga xurumaha dowladda iyo ilaalada madaxda, isla markaana Hey’adda NISA loo deyn doono howsha ay u xil saaran tahay oo ah sirdoonka Qaranka.

Wasiirka Amniga gudaha Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa sheegay in la sameyn doono ciidamo gaar ah, oo ka shaqeyn doono xoojinta amniga caasimadda, isagoo shacabka ka codsaday inay gacan siiyaan ciidamada nabadgelyada.

“Waxaan rabaa inaan warka ku soo gabo gabeeyo, ciidamada NISA dharcad ayay ahaan jireen, laakiin hadda ma ahan, marka hore waxaan dhiseynaa ciidamo boolis ah iyo sidoo kale ciidamo gaar ah oo qaabilsan amniga, wixii markaasi ka dambeeya waxaan sameyneynaa in NISA mustaqbalka dhaw ay noqdaan dharcad, si aan loo arkin gaadiid ku buufsan NISA” ayuu yiri Wasiirka Amniga gudaha.

Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya kadib kulan uu la qaatay qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed, kaasi oo looga hadlayay sidii ay haweenku uga qeyb qaadan lahaayeen sugidda amniga, waxaana inta uu socday la is weydaarsaday suurta galnimada in laga wada qeyb qaato sugidda Nabadgelyada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...