Dowladda oo sheegtay in la bilaabayo sameynta Internet-ka Fibre Optic

Date:

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in maanta oo jimco ah la bilaabayo sameynta Internet-kii Fibre Optic ee todobaadyo ka hor ka go’ay gobolada Koofureed ee Soomaaliya, kaddib markii Markabkii sameyn lahaa uu soo gaaray Dekeda Muqdisho.

Agaasimaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa sheegay in saaka 8-da subaxnimo la bilaabi doono qiimeynta halkii uu ka go’ay Internet-ka ee Badda gunteeda.

Waxaa uu sheegay in markabka sameyn lahaa oo maalmo ka hor ka soo dhaqaaqay dalka Cummaan uu maalmaha soo socda sameyn doono Internet-ka

“Markabkii sameyn lahaa Dekeda ayuu ku xiran yahay, saakay ayuu aadayaa, halkii uu ka go’ay xargihii Internet-ka, waxaana uu bilaabi doonaa qiimeyn, kaddib ayuu guda galayaa sameyntii Internet-ka”ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wixii hada ka dambeeya ay dowladda Soomaaliya ka taxadari doonto in xaaladan oo kale aanay dhicin, isla markaana ay bilaabi doonaan qorshayaal lagu ballaarinayo adeegyada Internet-ka ee dalka.

Shirkadda Dalkom oo keentay adeeggan Internet-ka ee Fibre Optic oo la soo marsiiyay badda gunteeda hoose ayaa sheegtay in maalmaha soo socda ay rajeyneyso inuu dib u soo laabto Internet-ka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Kormeer ku tagay mid ka mid ah Xarumaha laga bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Howlgal lagu dilay xubno katitsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo...

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya Cabdiwali Timacadda, ayaa...

Masar oo xaqiijisay taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Dr. Badr...