Wasiir Xoosh iyo Saraakiil Sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo gaaray Baydhabo

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo Saraakiil Sare oo katirsan Wasaaradda ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xubnaha Wasiirka safarka ku wehliya ayaa waxaa kamid ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeeyr iyo 3 kamid ah La-taliyayaasha Wasaaradda.

Ugu horeeyn, Wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka ayaa shir la qaatay Ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Dhaqan Celinta Maleeshiyaadka iyo Hub-ka-dhigista Mudane Xasan Maxamed Xuseen iyo Wasiirka Arrimaha Dastuurka Koofur Galbeed Mudane Cabduqaadir Cali Caraale.

Intaa kadib, AVV Cabdi Xoosh oo warfidiyeenka kula hadlay xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa ka warbixiyay ujeedaada ay daarantahay safarka wafdiga uu hogaaminayo.

“Waxa aan Baydhabo u nimid in aan madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed aan ka talo gelino Qorshaha Guud ee hannaanka dib-u-eegista Dastuurka ee ay Wasaaradda diyaarineyso; innagu waxaa inaga go’an in aan si daah-furnaan ah ugu shaqeyno dadka Soomaaliyeed waxa aana kulamo wadatashi ah la yeelan doonnaa dhamaaan qaybaha kala duwan ee bulshada Baydhabo” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh.

Ugu damabeyn, safar hawleedkan ayaa kamid ah kuwo ay Wasaaradda ku gaarsiineyso kulamada wadatashiga dhamaan gobolada dalka si diyaarinta Qorshaha Guud ee hanaanka dib u eegsita Dastuurka uu u noqdo mid ka qaybgalkiisu loo dhanyahay.

—–DHAMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Qadar oo yeeshay kulan muhiim ah

Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Faahfaahin ka Bixiyay Qaraar ku Saabsan Khayraadka Dabiiciga ah oo uu Meel Mariyay Baarlamaanka West Virginia.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac,...

Buulo-burde oo u gudubtay wareegga afar dhamaadka ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Buulo-Burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa u...

Wasaaradda Batroolka XFS iyo West Virginia oo Iska kaashanaya Sahminta iyo Soo Saarista Macdanta Muhiimka ah

Wasaaradda Batrolka iyo kheyraadka Macdanta XFS iyo Gobolka West...