Wasiirka Haweenka oo Daahfurtay nidaamka lagu soo xulayo Guddiga Madaxa Bannaan ee Xaquuqul Insaanka

Date:

Wasiirka Haweenka & Horumarinta Xaquuqul Insaanka Marwo Deeqa Yaasiin, ayaa maanta daahfurtay billowgii nidaamkii lagu soo xulayey Guddiga Madaxa Bannaan ee Xaquuqul Insaanka. Tani waa tallaabo muhiim u ah xoojinta, dhowrista iyo horumarinta Xaquuqul Insaanka Dalka.

“Maanta waa maalin taariikh weyn u ah Shacabka Soomaaliyeed oo loo dhisayo Guddigan Madaxabannaan oo wax weyn ka bedeli doona noloshooda. Wallow ay jiraan caqabado farabadan sida amniga, gaajada iyo abaaraha, haddana Dowladda Federaaka waxey ahmiyad gaar ah siineysaa xoojinta hay’adaha xuquuqul insaanka.” Ayey tiri Wasiir Deeqa Yaasiin.

Wasaaradda Haweenka & Horumarinta Xaquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka oo kaashaneysa Dowlad Goboleedyada, bulshada rayidka ah iyo dhammaan qeybaha bulshada ayey ka soo shaqeysay nidaamka iyo habraaca lagu soo xulayo Guddiga Madaxa bannaan ee Xaquuqul Insaanka iyadoo la raacayo Sharciga Guddiga Xaquuqul Insaanka (Human Rights Commission Law). Guddigan ku meel gaarka ah ayaa maalmaha soo socda ka howlgeli doonaa diyaarinta sidii loo soo xuli lahaa Guddiga Madaxabanaan. Waxeyna diyaarinayaan nidaamka iyo habraaca lagu soo xulayo Guddiga Madaxabannaan iyadoo si adag loo raacayo Dastuurka KMG ah ee dalka iyo Sharciga dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Xaquuqul Insaanka. Marka la diyaariyo habraaca iyo nidaamka xulista, waxaa ku xigi doonta xog-wareysiga (interview) iyo xulidda shaqsiyaadka buuxiya shuruudaha oo ugu danbeyntii la xuli doono Guddi ku yimaada nidaam caddaalad ah.

Wasaaradda Haweenka & Xaquuqul Insaanka ayaa ahmiyad gaar ah siisay sidii nidaamka iyo habraaca lagu soo xulayo Guddiga Madaxabannaan ay u noqon lahaayeen kuwo loo dhan yahay, laga wada qeyb qaatay, daahfuran, caddaalad ah. Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed waxuu xaq u leeyahay inuu dalban karo inuu ka mid noqdo Guddiga Madaxabanaan ee Xaquuqul Insaanka Soomaaliya. Wasaaraddu waxey sidoo kale abuurtay jawi xoojinaya isla xisaabtanka si loo hubiyo in nidaamka iyo habraaca uu u noqon lahaa mid si simman ugu adeega shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale 9ka qofood ee Guddiga Madaxabanaan waxaa lagu soo xuli doonaa si caddaalad ah oo ixtiraam ku dhisan.

Marka Guddiga Madaxabanaan ee Xaquuqul Insaanka la soo xulo oo ay howlgalaan waxey u adeegi doonaan shacabka Soomaaliyeed si loo joojiyo xad-gudubyada Xaquuqul Insaanka iyagoo raacaya sida uu qabo Dastuurka KMG ah ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...