Ra’iisul wasaare Kheyre oo madax kala duwan la kulmay

Date:

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre oo Soomaaliya ugu qeybgalay shir madaxeedka midowga Afrika ayaa kulan la yeeshey mas’uuliyiin kala duwan oo shirka ka qeybgalaysa.

Mudane Xasan Cali Kheyre, ra’iisul wasaaraha dalka ayaa bartiisa TWITTER-ka ku soo qorey in dowladda Seychelles isku afgarteen in ay saxiixdaan heshiis ku aadan soo wareejinta maxaabiista Soomaaliyeed ee dalkaas ku xiran kuwaas oo loo heysto dambiyo burcad badeednimo ah.

“Waxan ku heshinay dawlada Seychelles in an wada saxiixano heshiis si ay noogu soo wareejiyaan maxabiista Soomaalida ah ee ku xiran wadankooda” ayuu yiri mudane Kheyre.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in uu la kulmay wasiirka arimaha dibadda boqortooyada Sacuudiga Caadil Al-jubeyr ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaruhu waxaa waxaa uu madaxdii uu la kulmay kamid ahaa madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuuti  mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo kor u qaadista taageerada Soomaaliya ee Jabuuti.

“Waxaan la kulmay Madaxweynaha Djibouti. Waxaan ka wada-hadalnay xoojinta xiriirka walaaltinnimo iyo kor-u-qaadidda taageerada Soomaaliya,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Mudane Xasan Cali Kheyre ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale magaalada Adis Ababa kulan kula yeeshay dhigiisa dalka Maurituis, waxayna isla gaareen in maxaabiista Soomaalida ah oo wadankaas ku xiran lagu soo wareejiyo Soomaaliya.

 

“Waxaan sidoo kale RW Maurituis  isla gaarnay in ay nagu soo wareejiyan maxabiista Soomaalida ah ee ku xiran wadankiisa,” .

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxaa uu kulan la yeeshay madaxweynaha dalka Uganda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi,...

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Ceeldheer ku abaalmariyay Geesiyaasha Xoogga Dalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi...

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...