Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta oo soo dhoweeyay ansixinta Hindise-sharciyeedka Xeerka Isgaarsiinta Qaranka

Date:

(Jimce, 23 June 2017) Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada ayaa si weyn u soo dhoweeyay go’aankii ay Golaha Wasiirradu shalay ku ansixiyeen Hindise-sharciyeedka Xeerka Isgaarsiinta Qaranka oo ay soo diyaarisey Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada.

Xeerkan oo soo jiitamayay sanado badan ayaa la dardargeliyay bilihii la soo dhaafay si loogu guuleysto horumarinta iyo xeer-nidaaminta Isgaarsiinta dalka, isla markaana loo daryeelo xuquuqda isticmaalayaasha adeegyadan iyo shirkadaha isgaarsiinta dalka.

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada ayaa bilihii la soo dhaafay qabanqaabisay wada-tashi balaaran oo looga arrinsanayay xeerkan, iyadoo kulamadaas ay ka qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada, Guddiga Isgaarsiinta iyo Warfaafinta ee Golaha Shacabka, dawlad-goboleedyada, shirkadaha adeegga isgaarsiinta iyo internet-ka iyo bahda waxbarashada.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in ansixinta sharcigan uu ka mid ahaa waxyaabaha mudnaanta koowaad u leh hoggaanka cusub ee Wasaaradda. “Arrinta ugu muhiimsan ee si degdeg ah loogu baahan yahay waa in sharci iyo nidaam loo helo isgaarsiinta Soomaaliya oo horumar weyn sameysay. Marka sharcigan uu ansixiyo Baarlamaanka, wuxuu shirkadaha u furi doonaa fursado badan, wuxuuna noo sahlayaa inaan shirkadaheena ku difaaci karno dalka gudahiisa iyo heer caalamiba”.

Hindise-sharciyeedkan ayaa ka mid noqon doona kuwa ugu horreeya ee la horgeeyo marka la furo Golaha Shacabka uu dib u furmo bisha Luulyo ee soo socota.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya oo daah-furay qorshe lagu horumarinayo xarunta (SOHO).

Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya, Sarreeye Guuto...

Madaxweynaha JFS oo booqday Warshadaha kala duwan ee ku yaalla dalka Aljeeriya. 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan la qaatay Wasiirrada maamul goboleedyada dalka.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka...

Xafiiska Amniga Qaranka oo daahfuray Shirka maareynta Hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay...