Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta oo soo dhoweeyay ansixinta Hindise-sharciyeedka Xeerka Isgaarsiinta Qaranka

Date:

(Jimce, 23 June 2017) Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada ayaa si weyn u soo dhoweeyay go’aankii ay Golaha Wasiirradu shalay ku ansixiyeen Hindise-sharciyeedka Xeerka Isgaarsiinta Qaranka oo ay soo diyaarisey Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada.

Xeerkan oo soo jiitamayay sanado badan ayaa la dardargeliyay bilihii la soo dhaafay si loogu guuleysto horumarinta iyo xeer-nidaaminta Isgaarsiinta dalka, isla markaana loo daryeelo xuquuqda isticmaalayaasha adeegyadan iyo shirkadaha isgaarsiinta dalka.

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada ayaa bilihii la soo dhaafay qabanqaabisay wada-tashi balaaran oo looga arrinsanayay xeerkan, iyadoo kulamadaas ay ka qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada, Guddiga Isgaarsiinta iyo Warfaafinta ee Golaha Shacabka, dawlad-goboleedyada, shirkadaha adeegga isgaarsiinta iyo internet-ka iyo bahda waxbarashada.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in ansixinta sharcigan uu ka mid ahaa waxyaabaha mudnaanta koowaad u leh hoggaanka cusub ee Wasaaradda. “Arrinta ugu muhiimsan ee si degdeg ah loogu baahan yahay waa in sharci iyo nidaam loo helo isgaarsiinta Soomaaliya oo horumar weyn sameysay. Marka sharcigan uu ansixiyo Baarlamaanka, wuxuu shirkadaha u furi doonaa fursado badan, wuxuuna noo sahlayaa inaan shirkadaheena ku difaaci karno dalka gudahiisa iyo heer caalamiba”.

Hindise-sharciyeedkan ayaa ka mid noqon doona kuwa ugu horreeya ee la horgeeyo marka la furo Golaha Shacabka uu dib u furmo bisha Luulyo ee soo socota.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...

Hay’adda SODMA iyo Maamulka K/ Galbeed oo Bakool ka sameeyay howlo biyo dhaamin ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

CIID MUBAARAK 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul...