Warta-nabadda oo u gudubtay Final-ka tartan cilmiyeedka

Date:

Habeenka 25-aad tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee uu maamulka gobolka Benaadir taabagelinayo, waxaa ku tartamay Kooxdii u horreysay ee  Final-ka aadi lahayd degmooyinka Kaaraan iyo Warta-nabadda oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.

Tartanka oo aad u adkaa, qeybta hore waxaa lagu weydiiyey degmada walba afar su’aal, iyadoo sidoo kale lagu soo gudbiyey qeybta nasashada Majaajillooyin daawadayaasha iyo dhaheysteyaasha loogu talogashay.

Natiijada Kaaraan

Degmada Kaaraan ee gobolka Benaadir oo horey ugu soo guuleystay tartankaan sannadkii 2014-kii, ayaa caawa kama dambeysta wareegga afar dhammaadka la tartantay degmada Warta-nabadda, Kaaraan waxaa la weydiiyey toddoba su’aal, waxa ay si sax ah uga jawaabbeen hal su’aal, Lix waa ay qaldeen, wax ka faa’ideysi ahna ma helin, Kaaraan waxa ay heleen laba dhibcood oo Kaliyah.

Natiijada Warta-nabadda

degmada Warta-nabadda ee gobolka Benaadir,  iyaguna horey ayeey hal mar ugu soo guuleysteen tartankaan, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal, waxa ay si sax ah uga jawaabbeen laba su’aal, shan waa ay qaldeen, si ka faa’ideysi ah ayeey su’aal Kaaraan soo hareermartay uga jawaabbeen waxa ay uruursadeen Lix dhibcood, Warta-nabadda ayaa u gudubtay Final-ka tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaran ee Ramadaan, waxa uu tartanka ku dhammaadey (6 Warta-nabadda Kaaraan 2 ).

Habeen Dambe degmadii la tartami lahayd Final-ka Warta-nabadda ayaa la sugayaa oo waxaa tartami doona degmooyinka Dhahar oo ka tirsan gobolka Sanaag iyo Shibis oo gobolka Benaadir ka tirsan.

Degmada Kaaraan waxa ay Kaalinta Saddexaad kula tartami doontaa degmadii habeen dambe looga adkaayo tartanka, Insha Allaah.

 

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...