Warta-nabadda oo u gudubtay Final-ka tartan cilmiyeedka

Date:

Habeenka 25-aad tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee uu maamulka gobolka Benaadir taabagelinayo, waxaa ku tartamay Kooxdii u horreysay ee  Final-ka aadi lahayd degmooyinka Kaaraan iyo Warta-nabadda oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.

Tartanka oo aad u adkaa, qeybta hore waxaa lagu weydiiyey degmada walba afar su’aal, iyadoo sidoo kale lagu soo gudbiyey qeybta nasashada Majaajillooyin daawadayaasha iyo dhaheysteyaasha loogu talogashay.

Natiijada Kaaraan

Degmada Kaaraan ee gobolka Benaadir oo horey ugu soo guuleystay tartankaan sannadkii 2014-kii, ayaa caawa kama dambeysta wareegga afar dhammaadka la tartantay degmada Warta-nabadda, Kaaraan waxaa la weydiiyey toddoba su’aal, waxa ay si sax ah uga jawaabbeen hal su’aal, Lix waa ay qaldeen, wax ka faa’ideysi ahna ma helin, Kaaraan waxa ay heleen laba dhibcood oo Kaliyah.

Natiijada Warta-nabadda

degmada Warta-nabadda ee gobolka Benaadir,  iyaguna horey ayeey hal mar ugu soo guuleysteen tartankaan, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal, waxa ay si sax ah uga jawaabbeen laba su’aal, shan waa ay qaldeen, si ka faa’ideysi ah ayeey su’aal Kaaraan soo hareermartay uga jawaabbeen waxa ay uruursadeen Lix dhibcood, Warta-nabadda ayaa u gudubtay Final-ka tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaran ee Ramadaan, waxa uu tartanka ku dhammaadey (6 Warta-nabadda Kaaraan 2 ).

Habeen Dambe degmadii la tartami lahayd Final-ka Warta-nabadda ayaa la sugayaa oo waxaa tartami doona degmooyinka Dhahar oo ka tirsan gobolka Sanaag iyo Shibis oo gobolka Benaadir ka tirsan.

Degmada Kaaraan waxa ay Kaalinta Saddexaad kula tartami doontaa degmadii habeen dambe looga adkaayo tartanka, Insha Allaah.

 

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...