Dowladda Soomaaliya Oo Dad Qaba Dhaawacyo Halis ah U qaaday Boqortooyada Sacuudiga

Date:

Afar iyo Toban Ruux oo shacab ah kana mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxyo kala duwan oo ka dhacay Gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah Gobollada dalka oo  Xaaladooda Caafimaad dalka wax looga qaban waayey ayaa dalka Dibaddiisa loo qaaday Maanta.

Guddi uu u xilsaaray Ra’iisul  Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa soo Xulay dadkan kuwaas oo ku jiray qaar kamida Cuspitaalada Magaalada Muqdisho.

Dadka la qaaday oo qabay dhaawacyo halis ah oo dalka gudihiisa wax looga qaban waayay ayaa loo duuliyay dalka sacuudiga si loo soo daweeyo.

Agaasimaha  Cusbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho Dr Maxamed Yuusuf Oo xubin ka ah guddiga uu Ra’iisul wasaare Kheyre u xilsaaray soo xulista  Bukaannada ayaa sheegay in Dadkan xaaladooda Dalka waxba looga qaban waayey sidaasna ay ka liftay in Dalka dibaddiisa loo qaado.

Dhanka kale Dr Maxamed Yuusuf ayaa tilmaamay in dhawaan laga kaaftoomayo in Dhaawacyada Halista ah Dalka Gudahiisa wax looga qaban waayo iyada oo la-keenayo Qalab Casri ah taana ay garab ku siineyso Dowladda Soomaaliya.

Xasan Aadan Maxamed iyo Abuukar  Cabdi Warsame waxaa ay kamid yihiin Dadka loo qaadayo dalka Sacuudiga si-loogu soo daweeyo waxaana ay siweyn ugu Mahadceliyeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Maxamed Farmaayo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Dowladda Boqortooyada Sacuudiga oo dadkan Soomaaliyeed ee dhaawacyada Halista ah qaba ee dalkeeda loo qaaday ayaa kamid ah Dowladdaha sida weyn Saaxiibka u la’ah Dowladda Soomaaliya waxaana ilaa iyo dhowr jeer oo hore Dalkaas loogu qaaday Askar iyo Dad kale oo Xaaladooda Caafimad Muqdisho wax looga qaban waayey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...