Dhaliyaro olole nadaafeed ka sameeyay Pizza House

Date:

Olole nafaadadeed ayaa saaka dhalinyaro wiilal iyo gabdho isugu jira ka bilaabeen gudaha Maqaayada Pizza House oo sadex habeen ka hor  Weerar ismiidaamin iyo mid toos ah ay ku qaadeen maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Maqaayada Pizza House ayaa aheyd goob ay inta badan dhalinyarada ku nool magaalada Muqdisho tagaan, iyadoo halkaas ay aheyd meel aad u qurxoon oo loo dalxiiso maalmaha farxadda sida ciidaha oo kale.

C/majiid Daahir Aadan oo kamid ah milkiiliyaasha Maqaayada Pizza House oo la hadlay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa ugu mahadceliyay dhalinyaradii u soo gurmatay kana qeyb qaatay nafaadadda.

“Waa ay mahadsanyihiin dhaliyarada walaalaheena ah oo gartay in ay na garab istaagaan waqtigan adag, waliba ayagaoo sooman oo cid ku amartayna aysan jirin, qaar macaamiisheena ayay ahaayeen iyo kuwo kale,” ayuu yiri C/majiid.







Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...