Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa u soo gudbay wareegga afar dhamaadka

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lixaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii saddex iyo labaatanaad oo ah wareegga saddexaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Kaaraan VS Garbahaareey oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Gedo, waxaana barnaamijka sanadkii afaraad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Kaaraan VS Garbahaareey ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su’aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay oo maqal iyo muuqaalba leh.

Kaaraan

Tartameyaasha Degmada Kaaraan ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal oo qura, waxaana ay iska qaldeen lix su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Garbahaareey, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kaaraan ay heleen waxay noqoneysaa sideed (8) dhibcood.

Garbahaareey

Tartamayaasha Degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday afar su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, waxaana wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha degmada Garbahaareey ay noqotay (6) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Kaaraan ee gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka.

Hadaba Habeen dambe oo ah habeenka 24aad ee tartanka hadii uu Alle idmo Barnaamijka waxaa jiri doono labo tartan, tartanka koowaad waxa uu dhemari doonaa tartamayaasha Degmooyinka Dhahar Vs Yaaqshiid oo ka kala tirsan Gobollada Sanaag iyo Benaadir, waxayna soo galayaan 9:30 daqiiqo.

Sidoo kale kulanka xiga waxaa tartami doona Tartamayaasha Degmooyinka Shibis iyo C/casiis oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...