Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa u soo gudbay wareegga afar dhamaadka

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lixaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii saddex iyo labaatanaad oo ah wareegga saddexaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Kaaraan VS Garbahaareey oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Gedo, waxaana barnaamijka sanadkii afaraad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Kaaraan VS Garbahaareey ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su’aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay oo maqal iyo muuqaalba leh.

Kaaraan

Tartameyaasha Degmada Kaaraan ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal oo qura, waxaana ay iska qaldeen lix su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Garbahaareey, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kaaraan ay heleen waxay noqoneysaa sideed (8) dhibcood.

Garbahaareey

Tartamayaasha Degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday afar su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, waxaana wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha degmada Garbahaareey ay noqotay (6) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Kaaraan ee gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka.

Hadaba Habeen dambe oo ah habeenka 24aad ee tartanka hadii uu Alle idmo Barnaamijka waxaa jiri doono labo tartan, tartanka koowaad waxa uu dhemari doonaa tartamayaasha Degmooyinka Dhahar Vs Yaaqshiid oo ka kala tirsan Gobollada Sanaag iyo Benaadir, waxayna soo galayaan 9:30 daqiiqo.

Sidoo kale kulanka xiga waxaa tartami doona Tartamayaasha Degmooyinka Shibis iyo C/casiis oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...