Dowladda Norway oo aqoonsatay baasaboorka Soomaaliga

Date:

Agaasimaha guud ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/sare Maxamed Aadam  Koofi, ayaa sheegay in dowladda Norway ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliga gaar ahaan diblomaasiga, isagoo xusay in dabayaaqada sanadkan Norway ay Soomaaliya u soo diri doonto khubaro eegeya qabka loo bixiyo baasaboorka Soomaaliga.

“Baasaboorkiina waa baasaboor electronic ah oo lagu kalsoonaan karo oo ay cida mas’uul ka tahay ayaan u sharaxney waana nala qaateen, waxaana rajeynaynaa in ay imaan doonaan Soomaaliya sanadkan qolyo u qaabilsan aqoonsiga documentiyada kadibna ay qiimeyn ku sameyn doonaan,” ayuu yiri Koofi.

Maxamed Aadan Koofi, agaasimaha guud ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa ka codsaday madaxda dowladda iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed ee heysta baasaboorada ajnabiga ah in ay qaataan baasaboorka Soomaliga marka ay dalka ka dhoofeyaan oo ay ka qeybgalayaan shirarka caalamiga ah.

“Si baasaboorka micino iyo qiimo u yeesho in qofka Soomaaliga ah ee madaxda ah in uu baasaboorka Soomaaliga ah uu qaato marka uu shaqada dowladda uu hayo,” ayuu mar kale sheegay Koofi.

Agaasimaha ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa uu safari ku tagay qaar ka mid ah dalalka  qaaradda Yurub oo uu kala hadlayay sidii ay u aqoosan lahayeen baasaboorka Soomaliga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...