Dowladda Norway oo aqoonsatay baasaboorka Soomaaliga

Date:

Agaasimaha guud ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/sare Maxamed Aadam  Koofi, ayaa sheegay in dowladda Norway ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliga gaar ahaan diblomaasiga, isagoo xusay in dabayaaqada sanadkan Norway ay Soomaaliya u soo diri doonto khubaro eegeya qabka loo bixiyo baasaboorka Soomaaliga.

“Baasaboorkiina waa baasaboor electronic ah oo lagu kalsoonaan karo oo ay cida mas’uul ka tahay ayaan u sharaxney waana nala qaateen, waxaana rajeynaynaa in ay imaan doonaan Soomaaliya sanadkan qolyo u qaabilsan aqoonsiga documentiyada kadibna ay qiimeyn ku sameyn doonaan,” ayuu yiri Koofi.

Maxamed Aadan Koofi, agaasimaha guud ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa ka codsaday madaxda dowladda iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed ee heysta baasaboorada ajnabiga ah in ay qaataan baasaboorka Soomaliga marka ay dalka ka dhoofeyaan oo ay ka qeybgalayaan shirarka caalamiga ah.

“Si baasaboorka micino iyo qiimo u yeesho in qofka Soomaaliga ah ee madaxda ah in uu baasaboorka Soomaaliga ah uu qaato marka uu shaqada dowladda uu hayo,” ayuu mar kale sheegay Koofi.

Agaasimaha ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa uu safari ku tagay qaar ka mid ah dalalka  qaaradda Yurub oo uu kala hadlayay sidii ay u aqoosan lahayeen baasaboorka Soomaliga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...